David Cameron oo booqanayo dal deris la ah Soomaaliya ciidamadiisana joogaan

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaaraha dowlada Ingiriiska David Cameron ayaa la filayaa inuu booqdo dalka Kenya oo deris la ah Soomaaliya ciidamadiisana kamid yihiin howlgalka midowga Africa ee ka socda Soomaaliya.

Horaanka sanadka soo socda ee 2016 ayaa ra’iisul wasaare Cameron uu booqan doonaa dalka Kenya, halkaasi uu horay u booqday madaxweynaha dowlada Mareykanka Barack Obama oo asal ahaan kasoo jeeda Kenya.

Warbaahinta dalka Kenya oo soo xiganeyso ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta, uu warqada casuumaada safarka Ra’iisul wasaare Cameron u diray bishii lasoo dhaafay.

Labada masuul ayaa isku arki doona kulanka golaha amaanka ee QM ee ka dhacaya magaalada New York ee dalka Mareykanka, waxaana la filayaa iney kasii wada hadlaan safarka Cameron ku imaanayo dalka Kenya.

Kulankii ugu dambeeyay oo ay yeeshaan labada masuul ayaa dhacay sanadkii 2013 xiligaasi oo magaalada London lagu qabtay shir looga hadlayay arimaha Soomaaliya, waxaana xiligaasi Kenyatta uu wajahayay dacwada ka taalay ICC.

Booqashada ra’iisul wasaaraha UK ee Kenya ayaa noqoneyso masuulkii ugu horeeyay oo isaga oo xil haya kana socda Uk safar ku taga dalka Kenya, waxaana bishii July safar ku yimid Kenya madaxweyne Obama.

Inkastoo aan la shaacin muhiimada safarka Cameron ee Kenya haddana waxaa la filayaa iney isla soo qaadaan arimaha amaanka, ganacsiga iyo sida Uk u maal gashan karto dalka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com