Dhageyso: Kiiska XAASHI Bulxan oo waji cusub yeeshey (Caddeymo lasoo bandhigay) + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya wararka la xiriira Kiiska Korneyl Xaashi Bulxan Maxamed (Xaashi Furre), kaasoo maalmahaan saxaafada gudaha ay hadal haysay in Guri uu lahaa oo degmada C/casiis ku yaala xoog looga saaray.

Haween Soomaaliyeed oo ganacsato ay laguna kala magacaabo Duniyo Maxamed Faarax iyo Haweeyo Xirsi Faarax ayaa saxaafadda u sheegay in guri ay iibsadeen oo ku yaalla degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir uu si xoog ah uga heysto nin sarkaal ah oo lagu magacaabo Xaashi Bulxan oo ahaan jiray darawalkii madaxweynihii hore ee Soomaaliya haddana ka shaqeeya Xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Duniyo Maxamed Faarax waxay sheegtay in Gurigaan ay ka iibsadeen Nin la yiraado C/risaaq Xaaji Cali Faarax si ahna ay iibsadeen ayna heystaan dhammaan dokumentiyadii guriga ay iibsadeen. Waxayna intaas ku dartay in Ninka ku haysta Guriga lagu Magacaabo ee Xaashi Bulxan oo ahaan jiray Darawalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, hadana ah Darawalka Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake uu doonayo inuu hantidooda ka dhaco.

Waxay sheegeen in Xaashi uu markii hore u sheegay inuu guriga ka kireysay Mooryaan Hawiye ah oo dhammaantood dhintay, cida ku sheegatana aanu arag, markii dambena aawood u adeegsaday oo ciidamo iyo qori u soo qaatay arrintiisuna meel waliba gaartay.

Haweeyo Xirsi Faarax oo iyaduna ka mida gabdhabaha guriga leh waxay ku dooday in meel waliba oo ay u dacwoodeen iyo maxkamad kasta ay u xukmisay gurigooda, kadibna Ciidanka Booliska oo lagu Amray in ninkaas ka saaraan balse uu dagaal kala hor yimid, isagoo garab ka helaya Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Soomaaliyeed sida ay sheegtay.

Haweeyo ayaa ugu danbeyn baaq u dirtay Ummadda Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxda Dowladda Soomaaliya oo ku Aadan in aan laga dhicin Gurigooda oo ay si Sharci ah ku iibsadeen. Sidoo kale Gabdhahaan Ganacsatada ah ayaa soo bandhigay Caddeymo muujinaya Cidda leh Guriga, kuwaasoo ah warqadihii caddeyn lahaanshaha Guriga.

DHAGEYSO CODKA

?
?
?
?
?
?
?
?
?
?