Xildhibaannada mooshinka wada oo soo saaray go’aan ka kooban dhowr qodob oo xasaasi ah.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee wada mooshinka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka biyo diiday baaqii ahaa in laga wada hadlo labada Mooshin ee iska soo horjeeda.

Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, ayaa Jimcihii soo saaray warqad, taasoo uu ku soo jeediyay in laga wada hadlo Mooshinada iska soo horjeeda. Mooshinadan ayaa mid ah mid lagu diidan yahay Madaxweynaha, halka midka kalana lagu difaacayo in Xafiiska Shaqada uu sii jooggo.

Jawaari, ayaa warqadda uu soo saaray waxa uu ciwaan kaga dhigay Maaraynta Mooshinada ku saabsan tuhumada gabood-falka ee ka dhanka ah Madaxweynaha, isla-markaana ay arrintan wada hadalo ka yeeshaan Golaha Wasiirada & Xildhibaanada Baarlamaanka.

Xildhibaanada wada ayaa si weyn uga horyimid mooshinka, waxayna soo saareen qodobada hoos ku qoran:-

[pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/09/jawaab-celin-jawaari.pdf”]