Xog: Maxaa xilka looga qaaday INDHA-QARSHE?

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa Khamiistii 3-dii Bishan September xil ka qaadis ku sameeyay taliyihii ciidamada Milateriga Soomaaliya Gen. Daahir Aadan Cilmi (Af-qarshe), iyadoo la magacabaay taliye cusub oo xilkiisa la wareegaya.

Xil ka qaadistan ayaan wax sabab ah loo yeelin, waxaana taas bedelkeed taliyaha lagu ammaanay sidii waxqabadkiisii inta uu xilka hayay. Muddo ka badan sanad ayay soo baxayeen warar ku saabsan xil ka qaadista taliye Indha-qarshe, inkastoo aanay taasi dhicin.

Haddaba,  dabagal lagu sameysay xil ka qaadista Jen. Indha-qarshe waxay soo xaqiijisay in xil ka qaadistiisa ay dalbatay dowladda Mareykanka oo haatan ku howlan mashruuc dib loogu dhisayo ciidamada Xoogga ee Soomaaliya.

Arrimaha loo heysto Jeneraalka ayaa lagu sheegay inay yihiin musuqmaasuq isagoo lagu eedeeyay inuu dhaqaalaha ciidanka si shaqsi ah u lunsado. Mareykanka ayaa madaxda sare ee dowladda Federaalka ku tirtirsiiyay inay xilka ka qaadaan Jen. Daahir hadii kalena waxay ku hanjabeen inay la noqon doonaan taageero weyn oo ciidamada Soomaaliya loo ansixiyay oo lacagta ku baxeyso ay gaareyso ilaa 50 Milyan oo doolar.

Xogtu waxay sheegeysaa inay jiraan saraakiil kale oo qeyb ku leh musuqa lagu eedeeyay taliyaha xilka laga qaaday waxaana saraakiishaasi ugu horeeya Madaxa Saadka ciidamada C/llaahi Macalin Nuur oo lagu wado in isagana xilka laga qaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com