Xeer-Ilaaliyaha qaranka oo fashiliyay 3 hay’ad oo ka tirsan DFS oo sharciyo cusub ku shaqeysta.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa ka hadlay tiro Hay’ado ah oo hoostaga DF Somalia kuna shaqeeya qaab qaldan oo aan sharciga waafaqsaneyn.

Xeer ilaaliyaha waxa u sheegay in Hay’aduhu ay sameysteen sharciyo iyaga uu gaar ah oo aysan ka raali aheyn DF.

Hay’adaha uu dhaliisha u jeediyay ayaa waxa ay kala yihiin Gobolka Banaadir, Boliiska, Maxkamadda iyo Xeer Ilaalinta oo uu ku sheegay inaysan u hogaansaneyn sharciga dalka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayuu ku eedeeyay ku tagrifal sharci waxa uuna tilmaamay in Maamulka ay wax ku xukumaan sharci iyaga u gaar ah oo aysan la qabin DF gaar ahaan xeer ilaalinta.

Hay’adda Booliska ayuu ku dhaliilay in sharciga ay u fuliyaan sida ay maskaxdooda ka maagan, iyaga oo xira cida ay doonaan sida dadka laga tirro badan yahay iyo dadka aan waxba geysan oo ay danbiyo dusha ka saaran.

Maxkamadaha ayuu iyaguna ku eedeeyay inay adeegsadaan 10 sharci iyo tirro intaa ka badan oo ay maankaada ka sameysteen, waxa uuna si gaar ah tooshka ugu ifiyay in Maxkamadu ay fuliso xukuno isburinaya.

Dhanka kale, Xeer ilaalinta Nafteeda ayuu ku eedeeyay in siyaabo khaldan ay dhexgal ugu sameyso kiisaska halista ah, waxa uuna cadeeyay in dhamaan Hay’adda ay yihiin kuwo ka talaabay Xadkii loogu tala galay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com