Xog: CCC  oo go’aan ka qaadanaya Bakool Sare

Muqdisho (Caassimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali, ayaa shaaciyay in dowlada Soomaaliya ay go’aan rasmi ah ka qaadaneyso murunka ka taagan deegaanada Bakool sare ee u dhaxeeyo Jubbaland iyo Koofur Galbeed.

Inkastoo shalay gelinkii dambe hishiis is afgarad ah la kala dhex dhigay labada hogaamiye ayaa haddana ra’iisul wasaaraha wuxuu sheegay in xukuumada Soomaaliya go’aan ay ka qaadan doonto murun dhuleedkaasi.

Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya, wuxuu sheegay in muranka labada maamul uu ka dhashay baarlamaanadii ay soo xuleen Jubbaland iyo koofur Galbeed, ayna go’aan cad ka qaadan doonaan Bakool sare.

Wuxuu tilmaamay in kulankii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ay isku fahmeen labada hogaamiye iyo dowlada Soomaaliya lana qaatay go’aan ah in si wadajir ah arimahaasi loosoo afjaro.

“Waxaan isku fahanay inaan si wadajir ah u dhameyno tabashooyinka ka jiro baarlamaanada labada maamul islamarkaana aan go’aan ka qaadano dhulka lagu murunsan yahay ee Bakool”ayuu yiri ra’iisul wasaare Sharma’arke.

Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan ayaa labadooda soo dhaweeyay go’aanka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com