Xog: Guuleed iyo Gaas oo maanta ku kulmaya…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland uu shir gaar ah uga furmo madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.

Kulanka ayaa la filayaa in lagu wada hadalsiin doono Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo Dhigiisa Galmudug C/kariin Gulleed oo uu ka dhexeeyo Khilaaf Siyaasadeed.

Ujeedka kulanka ayaa ah in laga gudbo Khilaafyada ragaadiyay labada maamul kaasi oo sababay in dhinacyadaasi ay horusocodka Siyaasada gabaan bacdamaa ay ka dhaxeyso Xuduud.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa ku dedaalaya in labada dhinac uu wada hadalsiiyo si loo dhameeyo khilaafka udhaxeeya labada dhinac ka hor inta uusan furmin shirka madasha qaranka ee magaalada Kismaayo.

Wuxuuna shirka madasha furmi doonaa kadib marka uu dhaco kulankan lagu hadalsiinayo Puntland iyo Galmudug, sida ay xogtu tibaaxeyso.

Dhanka kale, waxaan si rasmi ah loo ogeyn wakhtiga uu qaadan doono kulanka Puntland iyo Galmudug waxaana suuragal ah in shirka madasha qaranku uu dib udhaco ku imaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com