Isfaquuqa madaxda dalka iyo fursadaha kooxda..

Muqdisho (Caasimada Online) – Waa hubaal haddii aysan Siyaasiyiinta Dowladda Qaranka iyo Madaxda Maamul-gobaleedyadda isla jaan qaadi waayaan inaysan jiri karin Hiigsi Cusub oo ku aadan Tadawarka Dowladnimadda iyo Hiigsiga Doorashooyinka Qaranka.

Kulankii ugu dambeeyey ee Golaha Wada-tashiga Qaranka ee bartamihii bishii hore lagu qabtay magaalladda Muqdisho ayaana laga dareemi karaa inay Hoggaamiyayaasha ka caga-jiidayeen inay Isfaham Dhab ah ka qaataan Nidaamka Doorasho ee dalka ka dhici karta bisha September ee sannadkan.

Hoggaamiyayaasha oo kala Aragti duwanaa ayaa waxay ugu dambeyntii soo saareen War Murtiyeed Calawsan oo aan si sax ah loo fahmi karin Qaabka Doorashadda, waayo waxay sheegeen inay Doorashaddu ku dhacayso Nidaam Deegaameed iyo Nidaamka Awood-qeybsiga Siyaasadda ee haatan lagu dhaqmo ee 4.5

Kulankaasi kadib, ma jirin Hoggaamiye u xusul-duubay in ay xubnaha Golaha Wada-Tashiga Qaranka dib isku arkaan, si loo turxaan bixiyo Qaladaadka Tagaan oo haddii aan dib loo sixin laga dhaxli doono Khilaafyo cusub iyo in la carqaladeeyo Dadaalka Dib-u-dhiska Dowladnimo.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay jiraan Siyaasiyiin ciyaarayo Shax-siyaasadeed wax bi’in kara, waxaana haatan soo if baxay in qaar ka mid ah Madaxda Maamul-gobaleedyadda uu ka dhexeeyo Khilaaf Siyaasadeed muuqda.

Miisaal ahaan Madaxweynayaasha K/Galbeed iyo Jubbaland, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Axmed Madoobe waxaa la sheegayaa inuu ka dhexeeyo Khilaaf ku aadan Maamulka cusub ee la magac baxay Bakool Sare ee laga dhex abuurayo Dowlad-gobaleedka K/galbeed.

Taasi ayaana soo shaac baxday, iyadoo ilo Siyaasadeed tilmaameen inay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ka dambeeyaan Dhismaha Maamulkaasi, uguna talagaleen inay ku oof-wareemaan Maamulka K/Galbeed ee ay ku mideysan yihiin Goballadda Sh/hoose, Bay iyo Bakool.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Qorshaha loo dhisayo Maamulka Bakool Sare tahay in deegaan ahaan lagu gorgortamo, waayo Madaxda Jubbaland iyo Puntland waxay rumeysan yihiin inuusan haatan jirin isku dheelitiranka Maamul-gobaleedyadda dhisan.

Taasi oo micnaheedu yahay haddii aysan Madaxda Puntland iyo Jubbaland asaasin Maamulo iyaga ku hayb ah ama ku feker ah inaysan Aqlabiyad badan ka heli doonin Golaha Wada Tashiga Qaranka, gaar ahaan marka Ajendo Sharciyeed loo codeynayo.

Waana qoddobkaasi arrinka ay Madaxda Puntland iyo Jubbaland maanka ku hayaan, isla markaana ay u taageerayaan Dhismaha Maamulka Bakool Sare, inkastoo Maamulka K/galbeed ka biyo diidsan yahay arrinkaasi, kuna tilmaamay Maamul Rimay-gacmeed ah.

Madaxweynaha Maamulkaasi, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa u muuqdaa inuu ciyaarayo Shax Siyaasadeed kale, waxayna u muuqataa inuusan ka qeyb geli doonin Shirka Golaha Wada Tashiga ee bartamaha bishan ka furmi doono magaalladda Kismaayo.

Xeeldheerayaasha ayaa rumaysan inaysan muuqanin Fursad lagu xalinayo Khilaafka Siyaasiyiintaas ama Tanaasul ka imaan kara Madaxda Maamulka Bakool Bari oo iyagu la dhacsan Maamulkooda curdanka ah.

Caqabadda kale ee taagan ayaa u muuqata Kaalinta Xafiiska QM ee Somalia, iyadoo Ergaygii hore la beddelay, isla markaana uusan Ergayga cusub weli la wareegin Hawlihii Xafiiska QM ee Somalia.

Ergayga Gaarka Urur-gobaleedka IGAD ayaa weli ka hadlin Xal-u-helista Muran-siyaasadeedka ka dhashay Maamulka Bakool Sare, mana kala cadda inay IGAD aqoonsan yihiin Maamulkaasi iyo in kale.

Sidoo kale, Madaxweynayaasha K/galbeed, Puntland iyo Jubbaland ayaan u bisleyn inay Dhexdhexaadin iyo Kulamo La-tashi ah ka galaan Khilaafkooda Siyaasadda, maadaama ay kala Aragti iyo Kala Hiigsi duwan yihiin dhinacyadaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Xaalladda Siyaasadda Somalia ee haatan saxansaxadeeda la dareemi karo waxay khatar iyo xagal-daacin u keeni kartaa Jadwalka Shirka Wada-tashiga ee lagu madalsan yahay inuu ka dhaco magaalladda Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com