Xildhibaano iyo wasiiro ku baaqay inay beelaha Soomaaliyeed qeyb ka noqdaan dowladnimada

Muqdisho (Caasimada Online)- Xildhibaano, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ay wehliyaan waxgarad iyo aqoonhayano ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay kasoo saareen Warsaxaafadeed ay fariin ugu dirayaan dowlada Federaalka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka.

Maalmahan waxaa shirir iyo kulamo is badajoog ah uga socdaa Caasimadda dalka ee Mogadishu, goboladda dalka iyo jaaliyadaha ku nool dibedda beelaha soomaaliyeed ee la  DULMIYEY kuwaas oo laga duudsiyay xaqooda in ay ka mid noqdaan xubnaha talada  dalka gacanta ku haya.….sida xubin Baarlamaanka federalka oo ah sharcidajiyaha dalka, golaha wasiiradda oo ah meesha laga go’aamiyo siyaasadda iyo jaangooyada  dhaqaalaha dalka, waxaa kaloo ka mid ah cadaala darrada qayaxan ee xubnaha  maamul goboleedyada dalka oo ku sifoobeen cadaalad daro.

Kulamadaas oo lagu casuumay wasiirro, wasiirro hore, Xildhibaanno, xubno ka tirsan  guddiyadda madaxa banana, siyaasiyiin, xubno ka tirsan bulshada raydka, ugaasyo, nabadoonno, waxaa aad looga dooday xaqiraada muuqata ee lagu hayo beelahaan iyo baahida loo qabo sidii xuquuqdooda ay ku heli lahaayeen iyadoo laga duulayo  xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Shirarkaas kala duwan waxaa ka soo baxay in Soomaaliya aysan ka dhici doonin doorasho QOF IYO COD AH, balse loo socdo nidaamyo sad bursi ku dhisan oo laga  dhaxlay hogaamiye kooxeedyadii ku caanka baxay dagaalkii sokeeye kaasoo ummadda u qaybiyay qabaa’il iyo isku maquunin hubeed. Nidaamka loo socdo oo ah 4.5 iyo doorasho dagmo ku salaysan waxay keeni doontaa oo sii kala dhantaali karta wadajirka  iyo midnimada ummadda soomaaliyeed.

Waxaan ka digaynaa in aysan dhicin arrintan cadaalodarrada ah, waxaa haboon in la helo xal daruuri ah oo loo dhanyahay:

  1. In lagu sameeyo dib u eegis nidaamka ku dhisan cadaalo darrada, fursadna la siiyo beelaha dulman si ay u helaan xuquuqdooda aasaasiga ah
  2. Beelaha soomaaliyeed waxay xaq u leedihiin in ay helaan xubbno ku matala goleyaasha sharci dejinta iyo maamulka dawladnimo.

Hadaba natiijadii ka soo baxday wadatashiyadii lagu qabtay dalka gudihiisa iyo dibediisa waxay ku soo urureen todobo qodob oo ay ku qanciwaayeen beelaha sedkoodii lala tegay ama waayay in ay ka mid noqdaan baalamaanka federalka, maamulka dawladda iyo maamul goboleedyada dalka.

Waxaan leenahay annagu malihin Xilbhinaan madasha ka tirsan, malihin wasiir buuxa oo  madasha ka tirsan, malihin madaxweyne goboleed beelahan matala; waxaan cod dheer ku sheegaynaa in aan mar kale la la tegin xubnaha aan ku leenahay baarlamaanka federalka ama maamulka dawladda.

Waxaan war murtiyeedkan ku soo koobaynaa oonna u sheegaynaa beelaha sadka bursadayoow, “intii hore ha idinku filnaato”

BEELAHA LAGA SAD BURSADAY

Hoos ka daawo sawirada

1 2 3 4 5 6 7 12527728_10207269267003811_67243813_n

Caasimada Online
Caasimada Muqdisho
Caasimada@live.com