Axmed Madoobe oo tagaya magaalada Baydhaba

Muqdisho (Caasimada Online)- Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa shaaciyay in dhawaan uu tagi doono magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, kadib markii isfaham uu dhexmaray madaxweyne Shariif Xasan iyo isaga.

Isaga oo saxaafada kula hadlayay magaalada Muqdisho ayuu sheegay inuu u aargudi doono Shariif Xasan oo uu sheegay inuu marar badan tagay magaalada Kismaayo isna uu tagi doono magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Ujeedada uu u tagayo magaalada Baydhabo ayaa ah inuu kulamo gaar ah isna uu magaaladaasi kula qaadan doono madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed oo ay is qabteen markii dhawaan la dhisay maamulka Bakool sare.

“Madaxweynaha Koonfur Galbeed dhawr goor buu booqasho ku yimid Kismaayo. Saan Saan ku gud, saxana saxan ku gud. Marka hadda saantaydii baa dhimanoo, iyadana waxaan rabaa inaan waqti dhow  Baydhabo aado, saxaafad badana aan geeyo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

Labada masuul oo khilaaafkooda uu xumaaday kadib dhismihii maamulka Bakool sare ayaa waxaa hishiisiiyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxayna hishiis ku gaareen magaalada Muqdisho.

Shariif Xasan ayaa waxaa uu dareemay culees ka weyn markii Axmed madoobe lagu cadaadiyay dhismaha baarlamaanka Jubbaland oo la gaarsiiyay ilaa in xildhibaanada Dowlada Soomaaliya ay kalsoonida siin waayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com