Xasan oo gobollada dalka sandullo uga dhigay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay qaadashada Nidaamka Federaaliisimka iyo qaabka ay u hirgalineyso DFS.

Xassan Sheekh waxa uu tilmaamay in DFS ay ka go’an tahay qaadashada Nidaamka Federaaliisimka waxa uuna farta ku goday inay jiraan maamulo dhowr ah oo Siyaasadeynaaya Nidaamkaasi balse aan laga aqbaleynin.

Wuxuu sheegay in inta badan dalka ay ka hirgaliyeen Federaaliisinka inta harsana ay ka hirgalin doonaan mudada uga harsan doorashada.

”Nidaamka Federaaliisimka waa lagu qasban yahay in loo hogaansamo. waxaa jira maamulo qaatay balse aan ku niyad sameyn kuwaasi rabitaankooda iyo diidmadooda DFS horay ayay go’aan uga gaartay”

”DFS waxa ay rajo ka qabtaa in Somalia laga saaro jawiga isla xifaaltanka waxaan xooga saari doonaa in Somalia lagu dhaqo nidaamkaani cidii ka hor imaatana aysan Dowladu u aqoonsan doonin maamul jira”

”Nidaamka Federaaliisimka waxa ay Somalia uga gudbeysaa rabshada iyo farfar ku fiiqa taasina waxa ay dan ugu jirtaa Umadda Soomaaliyeed dowladuna wey xoojineysaa nidaamkaani cusub”

Xassan Sheekh wuxuu tilmaamay in Maamul Goboleedyada dalka ka jira waxbadan ay u dhiman yihiin oo ku aadan dhinaca sharciyada, amaanka iyo Hay’addaha Dowladnimo.

Geesta kale, Madaxweyne Xassan ayaa ku goodiyay in DFS ay il gaar ah ku heyn doonto cidii ka hor imaada Nidaamka Federaaliisimka waxa uuna carab dhabay in DFS ay ka taqluusin doonto nidaamyadii horay uga shaqeyn jiray Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com