Xog: GUULEED oo hub badan loo gacan geliyey

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Munaasabad hub iyo ciidan loogu wareejinayay madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa maanta ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, taasi oo uu goobjoog ka ahaa madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Munaasabada oo ka dhacday hotelka Five Star ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka qeyb galay odayaasha dhaqanka afar beelood oo degta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Munaasbada Xil Wareejinta Hubkaasi Waxa ka Hadlay Odyaal ka Soo Jeeda Sadax Belood oo ka Mida Beelaha Wareejiyay Waxana ay Shegeen in ay Ku Faraxsan Yihiin in Ciidankii Beelaha ay ku Wareejiyeen    Galmudug isla Markna Wixii ka danbeeya Maanta Ay Noqon Doonaan Ciidamada maamul Gobaleedka Galmudug

Madaxweynaha     Galmudug   Cabdi Kariin Xusen Guulled aya u mahad celiyay sadaxda beelood ee hubka wareejiyay maanta waxana uu shegay in  maamul gobaleedka Galmudug ay ka heli doonaan xaquuqda ciidan ay xaq u Leeyiiin isla markaaaa ciidanka uu noqon Doono mid sugu doona amaanka iyo xasiloonida deegaanada Galmudug.

Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed ayaa mahad celin kadib sheegay in ciidamada ay qaadan doonaan tababar buuxa oo xaga ciidanka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com