Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland oo u muuqda inuu difaacayo aragtida uu ka qabo doorasho ka dhacdo dalka Soomaaliya sanadkan lagu gudo jiro ayaa ka hadlay faa’idada ku jirto in hab deegaan lagu soo xulo xildhibaanada baarlamaanka.
Madaxweyne Gaas ayaa wuxuu amaanay in qaabka deegaanka uu yahay mid wanaagsan oo dad badan oo Soomaali ah ku heli doonaan xaqooda ay ku lahaayeen dhanka dowladnimada Soomaalya.
Wuxuu sheegay in qaabka deegaanka ay dad badan ku heli lahaayeen xuquuq kaga maqan maadaama sida uu sheegay lagu yesho inay .5 sida uu hadalka u dhigay, kuwaasi oo kuraas badan ka helen baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu sheegay in dhibaatada badan tahay in dadka haafka lagu sheego ay yihiin kuwo ka deegaan badan beelaha kale ee afarta ah, haddana aysan helin kuraas badan oo baarlamaanka ah.
Faa’idada kale ee ku jirto ayuu ku sheegay iney tahay in xildhibaanada lagu keeno hab deegaan uu ka shaqeynayo danaha deegaana uu kasoo jeedo uuna helayo cid kula xisaabtanto xilka uu hayo.
Laakiin xildhibaanada ku yimaada qaab beeleed ayuu sheegay ineysan jirin cid la xisaabtameyso ayna kaliya ka fakaraan wax u qabshada beesha ay kursiga ugu fadhiyaan.
Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com