Jawaari oo jawaab aan laga fileyn siiyay Guuleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo socdaal ku gaaray magaalada Dhuusamareeb iminkana dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay socdaalkiisa.

Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa sheegay inuu ahaa ergay uu diray madaxweynaha Somalia islamarkaana ujeedadiisu ay ahayd in laga shaqeeyo nabada iyo midnimada.

Wuxuu sheegay in Ahlusunna uu ka dhaadhiciyay wadciga jira isaga oo uga mahad celiyay maamulka Ahlu sunna inay shuruuud la’aan aqbaleen in wadahadal nabadeed lagu dhameeyo wixii khilaaf ah.

Sidoo kale, Jawaari waxa uu sheegay in deegaan ahaan uusan kasoo jeedin magaalada Dhuusamareeb, balse u jeedka socdaalkiisa uu ahaa in Siyaasad dhex dhexaad ah loo helo maamulka Galmudug iyo Ahlusunna.

Waxa uu sheegay in C/kariin Gulleed kaliya uu ka hadlay maslaxada Galmudug balse isagana uu doonaayo in maamulka Ahlusunna lagu soo biiriyo maamulka Galmudug.

Socdaalkiisa Dhuusamareeb ayuu sheegay inuu ahaa mid maslaxad u ah C/kariin Gulleed oo aan maamulkiisa ka talin qeybaha ugu badan oo ay heystaan Ahlusunna.

Dhanka kale, Jawaari waxa uu C/kariin Gulleed iyo maamulkiisa ugu baaqay inay ka faa’iideystaan fursada hortaal islamarkaana ay usoo diyaar garooban wada hadal aan shuruud laheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com