Gaas oo ka dhaadhicinaya Xasan iyo Guuleed…

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali Gaas, ayaa ka hadlay qaabka ugu haboon ee madaxda maamul goboleedka dalka u qanci karaan in hab deegaan lagu  soo xulo xildhibaanada dowlada Soomaaliya ee sanadkaan.

C/welli Maxamed Cali, ayaa sheegay iney wanaagsan tahay in xildhibaanada imaanaya lagu soo xulo hab deegaan si ay sahlanaato la xisaabtan dadka uu matalo ay ku sameynayaan xildhibaanka.

Sidoo kale madaxweyne Gaas ayaa sheegay in faa’idada ku jirta in hab deegaan lagu soo xulo  xildhibaanada imaanaya sanadka 2016 ay tahay in isla xisaabtan dhab ah lagu sameyn karo xildhibaanka deegaan matalaya.

C/welli Gaas, ayaa dhanka kale sheegay inuu fikrada hab deegaan ka dhaadhicin doono madaxda dalka Soomaaliya oo qaarkood si weyn kaga soo horjeedo, sida uu hadalka u dhigay.

“Waan ogahay in hab deegaan in lagu soo xulo baarlamaanka imaanaya dad badan oo siyaasiyiin ah ayaa kasoo horjeeda laakiin waxaan doonayaa inaan ku qancino fikradan iyo faa’idada ku jirta”ayuu yiri Mr gaas.

Hadalkan ayuu Mr Gaas ka sheegay xaflad ka dhacday magaalada Boosaaso ee gobolka Bari oo xalay lagu qabtay dabaal daga sanad guuradii labad ee kasoo wareegatay markii la doortay Madaxweyne Gaas.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com