Cecilia Kabube “Muqdisho meel ammaan ah ma jirto dilalkana waa iska caadi”

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa howgalka Zambia ee Soomaaliya haweeneyda lagu magacaabo Cecilia Kabube ayaa hoos u dhigtay amaanka magaalada Muqdisho oo mudooyinkii ugu dambeeyay laamaha amaanka guulo ay ka sheeganayeen.

Haweeneydaan waa hogaamiyaha dhowr ciidan oo kamid ah booliska AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya, iyagoo qeyb ka qaata xaqiijinta amaanka magaalada Muqdisho iyo howlgalada ay sameeyaan ciidamada.

Haweeneyda ayaa waxaa wariyaal ka socday Africa ay kula kulmeen magaalada Muqdisho, iyada oo hogaamineysay ciidamo ka kooban Soomaaliya, Ghana,Seire Leone ,Kenya iyo kuwo kale.

Kadib wareysi ay bixisay ayay ku sheegtay inay adag tahay marka ciidamada ay howlgal ka sameynayaan magaalada Muqdisho, iyadoo sheegtay in xaaladda amaan aysan mar walbaa hagaagsaneyn.

“Waa howl adag, qof la aamini karo ma jiro, ma taqaanid qofka doonaya in uu ku dilo, mararka qaar kuwo boolis isu ekeysiiya ayaa dilaya biri mageydada, ma aamino booliska, iyaguna nama aaminaan, ilaa aan muddo dheer isla shaqeyno, waxaa ay wataan gaadiid u gaar ah,annagana waxaan wadannaa gaadiid noo gaar ah.”ayay tiri haweeyneydaan.

“Waxa na ilaaliya waa cibaadada,dhaqan ayey u tahay saraakiisha halkan in ay cibaadeystaan, ma jirto meel amaan ah Muqdisho gudaheeda,dhimashada caadi ayey ka tahay, rasaasta xilli kasta ayaad maqleysaa, Qaraxyada ayaa la mid ah,” ayey hadalkeeda raacisay Kabube.

Laamaha amaanka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay sheegay inay ku guuleysteen xaqiijinta amaanka magaalada Muqdisho, balse waxaa dhacayay dilal qorsheysan oo kooxaha ka horjeeda dowladda ay geysanayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com