Wariye laba todobaad ku xirnaa Muqdisho oo shaaciyay sababtii uu u xirnaa

Muqdisho (Caasimada Online)– Wariye Nuur Ismaaciil Sheekh oo ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Axad ah xorriyaddiisa dib ayaa sheegay in uu u xirnaa sifo sharci daro ah.

Wariyaha oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay inuu u xirnaa guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisoow oo uu ku eedayay inuu kasoo horjeeday xorriyada hadalka.

Nuur Imaaciil Sheekh ayaa sheegay in aysan jirin sabab loo cuskaday xarigiisa, isla markaana wax danbi ah lagu waayay.

Wuxuu u mahad celiyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo uu ka mid yahay iyo Xildhibaan Saadaq Macallin C/kariin, wariyeyaal iyo mas’uuliyiin kale oo sii deyntiisa ka qeyb qaatay.

Nuur Ismaaciil Sheekh ayaa ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala Muqdisho, wuxuuna baraha bulshada uu kusoo bandhigaa afkaartiisa ku aadan dulduleelada siyaasadeed ee dalka ka jira.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com