Senator shaaciyay qorshe yaab leh: Guddiga doorashada K/Galbeed oo is-casilaya iyo madaxweyne laga keenayo Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Senetor Xuseen Sheikh Maxamuud oo kamid ah xildhibaanada aqalka sare ee kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa si adag kaga hadlay ciidamada la geeyay magaalada Baydhabo iyo arimaha ka taagan magaalada Baydhabo, oo uu sheegay in qorshe halis ah laga leeyahay, si xukunka loogu gacan galiyo shaqsi Xamar laga soo magacaabo

Senetor Xuseen ayaa sheegay inay jiraan meelo badan oo u baahnaa ciidamadaasi in la geeyo, isaga oo tilmaamay in wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye looga baahan yahay ciidamadaasi oo aan Baydhabo looga baahneyn.

“Waxaa socday waxyaabo badan oo daliil u ah qorshaha xukuumadda ay ku carqaladeyneyso doorashada Koonfur Galbeed, waxaa tusaale u ah ciidamada la geeyay magaalada Baydhabo, ciidamadaasi wadada Afgooye iyo Muqdisho ayaa u baahan”ayuu yiri Xuseen.

Wuxuu sidoo kale sheegay in cadaadiska saaran guddiga doorashada Koonfur Galbeed uu sababi karo inay is casilaan, taa badalkeedana dowladda ay dooneyso inay shaqsi ay magacowday geyso magaalada Baydhabo oo doorasho aysan ka dhicin.

“Guddiga culees badan ayaa lagu hayaa, waxaa laga yaabaa inay iscasilaan, waxaan aragnaa in halkaasi doorasho xalaal ah aysan kasoo soconin, xukuumadda waxay rabtaa qof ay magacaabatay inay meesha Geyso, waxaana ku baaqeynaa in arintaasi laga waantoobo”ayuu yiri Xildhibaanka ka tirsan golaha aqalka sare.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay Sanoter-ka in Doorashada Baydhabo ka dhaceysa aysan u muuqan mid wanaagsan,wuxuuna dadka reer Koonfur Galbeed u rajeeyay inay u Midoobaan sidii Doorasho xalaal ah ay u dhici laheyd.

Xukuumadda Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay joojiso faragelinta ay ku heyso doorashada Koofur Galbeed, iyadoo 19 Bishan December lagu balansan yahay inay doorasho ka dhacdo magaalada Baydhabo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com