Daawo Video: Muuse Biixi oo si xun u aflagaadeeyey madaxweyne Farmaajo

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markale weerar afka ah ku qaaday, oo aflagaadeeyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo shaaciyay hal arin oo Soomaalida ay u kala duwan tahay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay inuu dhaliilayo siyaasadda madaxweynaha Soomaaliya ee arimaha Somaliland, isaga oo eedeyn u jeediyay madaxweynaha dalka Farmaajo, oo uu ku sheegay “nin aan caqli lahayn”

Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inaysan jirin mideysnaan la’aan Soomaalida dhexdeeda balse ay jiraan kaliya in lagu kala duwan yahay dhanka hogaanka iyo dowladnimada.

“Soomaali wey mideysan tahay, dhaqanka ayay ka mideysan tahay, Diinta, Ganacsiga Afka iyo Walaalnimada ayay kamideysan yihiin, kaliya waxaan ku kala duwan nahay xagga xukunka, maxay tahay midnimada kale ee uu raadinayo Farmaajo”ayuu yiri Muuse.

Isaga oo sii hadlaya ayuu soo hadal qaaday goorta ay rasmi ahaan wadahadal dhab ah la yeelan doonaan dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan la hadleynaa dowladda Farmaajo markuu mideeyo, Xamar, Kismaayo, Garowe, Jowhar iyo Baydhabo, isagoo intaa soo mideyn, ma jirto sabab uu ku yiraa Soomaali ayaan mideynayaa”ayuu hadalkiisii kusii daray Muuse Biixi.

Tan iyo markii xiriir wanaagsan uu dhex maray madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha Ethiopia iyo madaxweynaha Eritrea, waxaa qeylo dhaan badan ay kasoo yeertay madaxda maamul goboleedyada oo la moodo in albaabo badan laga soo xiray.

Daawo Muuse Biixi

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@Live.com