Ceelbuur oo dood xooggan ka dhex abuurtay Al-Shabab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaq-dhaqaaqyo ciidan ayaa ka bilowday gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Ciidanka dowladda federaalka ayaa Al-Shabaab ka saaray deegaano horleh oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Bartilmaameedka ugu weyn ee ciidanka dowladda waa qabsashada degmada Ceelbuur oo ah xudunta ugu weyn ee Al-Shabaab-ku xilligaan ku leeyihiin gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Deegaanka caanka ah ee Budbud iyo tuulooyin kale ayaa laga saaray gacanta kooxda maalmihii lasoo dhaafay, laakiin gulufkan cinwaankiisa ugu weyn waa Ceelbuur.

Al-Shabaab waxaa la sheegay inay isku aruursatay Ceelbuur, waxaana kooxda u bilaabatay dood ku saabsan in Ceelbuur ku dagaalamaan iyo inay ka baxaan.

Wararka gudaha Al-Shabaab laga soo dusiyay waxay sheegayaan in xubnaha deegaanada kale kasoo jeeda qaar ku doodayaan in Ceelbuur lagu dagaalamo, halka kuwa deegaankaasi ka soo jeeda ay xooggooda qabaan in la baneeyo magaalada oo xeelad kale laga fikiro.

Kooxda Al-Shabaab ayaa halkan ka talineysay tobankii sano ee udambeysay. Kooxda ayaa dagaal la’aan iskaga baxday magaalooyin badan dhowrkii billood ee lasoo dhaafay, waxaana dad badan u laqmi’la sababta ay qaarkood u rabaan in magaaladan u gubaan oo dagaal u galiyaan.

Khilaaf ayaa lasoo wariyay inuu ku dhamaaday kulankii ay kooxdu rabtay inay go’aan uga gaarto sida laga yeelayo magaalada Ceelbuur, oo ay ciidanka dowladda dhowr jiho kaga soo socdaan.

Al-Shabaab ayaa miinooyin badan galisay jihooyinka ay fileyso in laga soo weerari doono Ceelbuur, halka ciidanka dowladda ay maalmahan ku mashquulsan yihiin inay miinooyinkaas bixiyaan.

Dib u dhac weyn ayay la kulantay degmada taariikhiga ah ee Ceelbuur tobankii sano ee ugu dambeysay oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab. Xilligaan waa bartilmaameedka ugu weyn wejiga labaad ee dagaalka ay dowladda Soomaaliya ku wajaheyso gobollada dhexe ee dalka.

Dadka ku dhaqan degmada Ceelbuur iyo deegaanada ku teedsan ee aan kooxda qeybta ka aheyn, balse marhore khiyaarkii laga qaaday waxay rajeynayaan in kooxdu dagaal la’aan ka bixi doonto degmada Ceelbuur.

Waxa kale oo niyad-jabineysa Al-Shabaab guuxa dadka deegaanka oo la sheegay inay ka gaabsadeen in kooxda la fal-galaan waayahan dambe ama siiyaan ballan-qaad ah in dagaalka ay la gali doonaan.

Sidoo kale, beelaha deegaanka qaarkood iyo kooxda Al-Shabaab ayaa la xaqiijiyay in cilaaqaadkooda uu maalmihii dambe xumaaday kadib markii ay kooxda si xun ula dhaqantay odayaashii deegaanka.