Sawirro: Soomaaliya iyo UK oo heshiis cusub saxiixday

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa magaalada Muqdisho maanta ku kala saxiixday heshiis cusub oo is-afgarad.

Heshiiskan oo ku saabsan mashruuc caafimaad oo lagu horumarinayo adeega caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka ayaa waxaa kala saxiixday wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo Sii-hayaha safiirka safaaradda UM ee Muqdisho Lottie Burrows.

Mashruuca Better Lives oo ay fulin doonto UNICEF ayaa waxa uu socon doona muddo saddex sano ah, waxaana laga fulin doonaa sida qorshuhu yahay maamul-goboleedyada Jubbaland, Galmudug iyo gobolka Banaadir.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada Dr Cali Xaaji Aadan oo munaasibadda ka hadlay ayaa Boqortooyada Ingiriiska uga mahad-celiyay taageerada ay mar walba u muujiyaan dadka Soomaaliyeed.

Wasiir Dr. Cali Xaaji ayaa sidoo kale waxa uu xusay in mashruucan uu maanta qalinka ku duugay uu ka qeyb qaadan doono yareynta dhimashada Hooyada iyo dhallaanka.

Sii-hayaha safiirka safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya Lottie Burrows ayaa dhankeeda sheegtay in heshiiskan uu muhiim u yahay nidaamka caafimaad ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxay sheegtay in heshiiskan ku qotoma mashruuc caafimaad ee lagu horumarinayo adeega caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka uu qeyb weyn ka qaadan doono dadaallada ay Wasaaraddu ugu jirto Horumarinta adeegyada Caafimaadka ee dalka.