Dowladda oo digniin kama dambeys ah u dirtay madaxda iyo siyaasiyiinta + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa digniin kama dambeys ah kasoo saartay gaadiidka dowladda ee weli ku maqan gacanta madaxda dowladda iyo siyaasiyiinta kale.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa soo saaray warqad wargelin ah oo ku farayo in madaxda iyo siyaasiyiinta aan illaa iyo hadda dib isaga soo celin gaadiidka ee ku maqan ay si deg deg ah ugu wareejiyaan hay’addaha dowladda ee asal ahaan leh gaadiidkaas.

Hantidhawrka ayaa waxa uu sheegay in maalinta berri ah ay ku egtahay mudadii loo qabtay in masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta kale ee weli ku maqan yihiin gaadiidka dowladda inay kusoo celiyaan, wixii intaas ka dambeeyana ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan.

“Xafiiska Hantidhawrka Guud waxa uu ku wargelinaya madaxda iyo siyaasiyiinta kale in muddada xafiiska uu u qabtay dib usoo celinta gaadiidka dowladda oo aheyd 15 maalmood ay ku egtahay 18/04/2023. Sidaas darteed, waxaa lagu wargelinayaa cid walba oo gacanta ku haysa gaadiid dowladeed ee aan dib ugu celin hay’addaha asal ahaan u leh milkiyadda gaadiidkaas in wixii waqtigaas loo qabtay ka dambeeya laga qaadayo tallaabo sharci ah.”

Sidoo kale waxa uu xafiiska hantidhawrka guud u mahad-celiyay madaxda iyo siyaasiyiinta dib isaga soo celiyay gaadiidka dowladda ee ay gacanta ku hayeen, iyaga oo fulinaya wargelintii hore uga soo baxday xafiiska, ee ku saabsaneyd dib u soo celinta iyo diiwaan-gelinta gaadiidka dowladda.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa 6-dii March soo saaray awaamiir uu hay’addaha dowladda federaalka ku farayo in ay diiwaan-geliyaan hantida dowladda ee gacantooda ku jirta muddo soddan cisho gudahood ah.

Hantidhawrka Guud ayaa xilligaasi ka digay in hantida guurtada iyo ma-guurtada ee dowladda uusan jirin shakhsi ama cid shakhsiyad qaanuuneed leh oo si gaar ah u yeelan karta, xataa bixin karta ama iibin karta, islamarkaana hantida Qaranka aan loo isticmaali karin wax ka baxsan danta guud.

“Hay’addaha dowladda waa in dhamaan hantida guurtada iyo ma-guurtada ay hay’ad kasta ku darto liiska hantida, iyada oo hantidaas lagu diiwaan-gelinayo magaca hay’ad kasta,” ayaa lagu yiri qoraalka xafiiska Hantidhawrka Guud.