Muuse Biixi oo shuruud yaab leh ku xiray dalab culus oo beesha caalamka uga yimid

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shuruudo horleh ku xiray dalab uga yimid wakiiladda beesha caalamka, kaasi oo ku qotoma in ciidamada Somaliland ka baxaan guud ahaan gobolka Sool.

Muuse Biixi ayaa maalin kahor kulan xasaasi ah oo habka fogaan arag ah la qaatay safiiro, safiir ku-xigeeno iyo diblumaasiyiin kala duwan oo dalalka Yurub u badan, kuwaasi oo kala hadlay colaadda sii daba-dheeraaneysa ee ka taagan magaalada Laascaanood.

Madaxweynaha Somaliland ayaa dalabka ay u jeediyeen wakiiladda caalamka waxa uu dhaqan-galkooda ku xiray in maamulka Puntland uu magaalada Laascaanood kala baxo ciidanka, hubka iyo taangiyada, kuwaasi oo kusoo daabulay tan iyo markii uu billowday dagaalka, sida ay baahisay Madaxtooyada Somaliland.

“Maamulka Puntland iyaga oo caadifad qabiil ku beer laxawsanaya ayay ku dhex-milmeen shacbigii reer Somaliland ee Laascaanood,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxa kale oo uu ku dooday in ciidamadiisa ay inta badan is-difaac ku jireen, ayna weerar ku qaadin magaalada iyaga oo ilaalinaya shacabka aan waxba galabsan, “Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland illaa maanta wax weerar ah kuma qaadin magaalada Laascaanood.”

Muuse Biixi ayaa waxa uu sheegay in marka uu maamulka Puntland uu ka baxo xadka Somaliland ee ay isku soo hadhaan xukuumadda Somaliland iyo shacabka reer Laascaanood ay ka xukuumad ahaan diyaar u tahay inay wada-hadlaan iyo waxkasta oo xal ah.

“Madaxweynuhu waxa uu ku wargeliyey Safiirrada in ciidamada maamul-gobolleedka Puntland ee Soomaaliya ee Laascaanood soo buux dhaafiyey ay ujeedadoodu tahay inay jeexaan xuduud qabyaaladeed saamayn-doona waddamo kale oo ka mida Afrika,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland, oo ku saabsana kulanka wakiiladda caalamka iyo madaxweyne Biixi.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay inay difaacdo dalkeeda iyo xuduudihiisa, sida waddamada kale ee Adduunka ay waajibka ugu tahay inay difaacdaan xuduudahooda, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, Dagaalka magaalada Laascaanood ayaa galay bishii saddexaad, waxaana gebi ahaanba burburay waan-waan iyo dhex-dhexaadin lagu rabay in xal looga gaaro xiisadda dagaal ee halkaasi ka taagan, waxaana weli duleedka magaalada isku horfadhiya ciidamada labada dhinac.