Madaxweyne Xasan oo madaxda IGAD ka dalbaday mowqif adag oo ku aadan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dalbaday madaxda dalalka urur goboleedka IGAD inay qaataan mowqif adag oo la xiriira dagaalka maalintii saddexaad ka socda dalka Suudaan.

Xasan oo shalay ka qeyb-galay wada-hadallo deg-deg ah oo ay yeesheen madaxda dalalka urur goboleedka IGAD, ayaa waxa uu ka sheegay in Soomaaliya ay codkeeda heer gobol iyo heer qaaradeedba ku garab istaagi doonto nabadda, midnimada iyo dowladnimada Suudaan.

“Xaaladdu (Sudan) waa mid cakiran oo xilli kasta isbedeli karta, fara-gelin deg-deg ah oo lagu soo celinayo xasilloonida iyo amniga waa inay noqota mudnaanteena koowaad,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Dawladda Soomaaliya, iyadoo aad uga wal-walsan xaaladda isa soo taraysa ee Sudan, waxay si dhab ah u rumeysan tahay in ay jirto fursad xaaladda sidii caadiga ahayd loogu soo celin karo haddii si togan oo bartilmaameed leh ay dhinacyada ku lugta leh xaaladda Sudan u falan-qeeyaan baahida nabadeed ee ay Sudan qabto.”

Shirka IGAD oo ahaa mid Madaxdu ay ku yeesheen habka fogaan aragga ah ayaa waxay madaxdu iskugu raacday in si deg-deg loogu diro dalka Suudaan wafdi ka shaqeeya joojinta colaadda kasoo cusboonatay dalkaasi.

Wafdigan ayaa sidoo kale ka shaqeyn doona billaabidda wada-hadallo lagu dhammeynayo caqabadaha jira, si loo celiyo nabadda iyo xasilloonida dalka Suudaan.

Dagaal sokeeye ayaa ka qarxay dalka Suudaan, ayada oo madaafiicda culus ay labada dhinac isku weydaarsanayaa Khartuum iyo magaalo kale oo lagu magacaabo Omdurman.

Ku dhawaad 100 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen iska hor-imaadka culus ee ka socda dalkaas, una dhaxeeya ciidamada Sudan iyo ciidamada RSF ah, kaas oo ka dhacay caasimadda Suudan ee Khartoum, kuna sii fidaya magaalooyin kale oo horleh.

Labada dhinac ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan xarumo muhiim ah oo ku yaalla caasimadda Khartoum, sida garoonka diyaaradaha. Diyaaradaha milateriga ayaa duqeeyay xarumo ay ku sugan yihiin xooggaga la dagaallamaya.

Dagaalka Sudan ayaa bilowday xilli aan laga fileyn oo dadka ay si caadi ah u wataan hawl-maalmeedkooda.

Si kastaba, waxaa isa-soo taraya baaqyada nabadeed ee lagu dalbanayo in la dejiyo xiisadda dagaal ee ka aloosan gudaha dalka Sudan, taasi oo gashay maalintii saddexaad oo xiriir ah.