Al-Shabaab oo madaafiic xooggan ku garaacday saldhigga Baarsanguuni

Kismaayo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday madaafiic oo ay maanta xubno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa jawaab ka bixiyay ciidamada Jubbaland oo ku sugnaa sladhigga la weeraray, kuwaas oo iyaguna madaafiic xoogan riday.

Dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacday saldhigga, halka kuwa kalena ay ku hoobteen xaafado ay dagan yihiin shacab.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaaca ka qaaday in khasaare  ay ku gaarsiisay dhismaha xerada iyo ciidankii ku sugnaa, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhinaca kale saraakiil u hadashay dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen, isla-markaana ay ka hortgeen xubnaha Shabaab ee soo weeraray.

Sidoo kale waxa ay tilmaamay in haatan ay wadaan howlgallo ay ku baacsanayaan raggii weerarka soo qaaday oo goobta isaga baxsaday.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka magaalada xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay sare u qaaday weerarada ku beegsaneyso saldhigyada ciidamada huwanta ee howlgallada ka wada gobollada dalka.

Weerarkan cusub ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Jubbooyinka uu ka socdo diyaar garow ku aadan wajiga labaad ee dagaalka Shabaab oo ka bilaabanaya gobolladaasi