Howlgallada Muqdisho ka socda oo isbeddal keenay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho iyo howlgallada ay wadaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Yabooh ayaa boggaadiyay howlgallada haatan ka socda caasimada, wuxuuna tilmaamay inay keeneen isbeddal weyn oo haatan muuqdo.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la kordhiyo howlgalladaas, si caasimada Muqdisho looga dhigo goob ka caagan falalka amni darrada ah.

Waxa kale oo uu ku dhiirrageliyay ciidamada ammaanka in ay laba laabaan shaqada adag ay hayaan, isla-markaana ay u turaan shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diray shacabka, wuxuuna ugu baaqay inay l shaqeeyaan ciidamada ammaanka iyo horumarka caasimada.

Amni marka la yiraahdo, marka dadka wax soo dhacay ama kuwa wax dilay si fudud ayaa loosoo qaban karaa, Adduunyadu meelaha ay ka kobocday waxaa kamid ah Caasimadaha, in la qurxiyo waxa ay ku imaan kartaa in Dadka loo shaqeynayo ay noqdaan kuwo u nugul oo fahmi kar” ayuu yiri Guddoomiye Yabooh.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo culus oo lagu sugayo amniga, kuwaas oo sameynayaan ciidamada ammaanka oo fulinaya qorshaha dowladda.

Isbeddalkan ayaaa yimid, kadib markii ciidamo Boolis Milataaro ah oo lagu soo tababaray dalka Uganda lagu wareejiyay inta badan baraha koontarool ee ku yaalla caasimada.

Si kastaba, ujeedka ayaa ah sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-Shabaab, sidoo kalena loo soo afjari lahaa kooxaha burcadda iyo kuwa ciyaal-weerada ee dhibaatada ka wada xaafadaha magaalada Muqdisho.