Wararkii ugu dambeeyay dagaal mar kale ka dhacay magaalada Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo mar kale saaka ciidamada SSC iyo kuwa Somaliland ku dhex maray duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada deegaanka  ay weerar gaadmo ah ku qaadeen milatariga Somaliland, xilli ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen bariga magaaladaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaaa innoo sheegay in inta uu socday dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac, walow aan la shaacin inta uu gaarsiisan yahay tiro ahaan.

Sidoo kale waxaa dagaalka barbar socotay duqeyn xoogan oo ay is weydaarsanayeen labada dhinac, taas oo uga sii dareysa xaalka.

Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka Somaliland iyo kuwa deegaanka oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in weli rasaas goos goos ah laga maqlayo aagga lagu dagaalamay oo ah bariga Laascaanood.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ayaa sidoo kale illaa iyo haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wada halkaasi, waxaana labada dhinac ay helayaan gurmadyo, sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay.

Si kastaba, baaqyada ku aadan in la qaboojiyo xiisadda Laascaanood ayaa iska soo dabadhacaya, balse sida muuqata waa ay ka dhego furaysatee labada dhinac ee ku dagaalamayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkq Sool.

Dagaalka ka socsa Laascaanood ayaa galay bishii saddexaad oo xiriir ah, wuxuuna sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh oo soo gaaray guud ahaan magaaladaas oo shacabkii ay ka barakaceen.