Daawo: Saraakiisha beesha Waceysle uga jirta Shabaab oo loo qabtay 7 maalmood

Ceeldheer (Caasimada Online) – Ciidanka xoog leh oo isugu yira militeriga Soomaaliya iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka baxay degmada Ceeldheer, waxayna ku guuleysteen inay kooxda Al-Shabaab ka xoreeyaan dhowr deegaan oo muhiim ah.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidankaas ayaa soo bandhigay magacyada xubno waaweyn oo Shabaab ay ka dileen, iyagoo farriin u diray waqti koobana u qabtay rag u dhashay deegaanka oo ka barbar dagaalamaya kooxda Al-Shabaab.

Deegaanada kala ah, Dahar-faqay, Baraag-Sheekh, Xaaji-dhagax iyo deegaano kale oo waqooyi-galbeed ka xoga degmada Ceeldheer ayaa soo galay gacanta dowladda, waxayna hadda ciidanku kaabiga ku hayaan deegaanka muhiimka ah ee Cows-weyne.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dadkii deganaa Cows-weyne ku amartay inay ka guuraan magaalada, waxaana lagu wadaa in maanta ay gudaha u galaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka oo xalay ku hoyday duleedka deegaankaas.

Saraakiisha kala ah, Korneyl Daahir Tuuryare, Khaliif Cumar Macalin Nuur iyo Dhamme Maxamed Qeyla-weyne ayaa hoggaaminaya ciidanka maanta qorsheynaya inay xoreeyaan deegaanka muhiimka ah ee Cows-weyne.

Saraakiishaan oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey dagaalladii ay kooxda la galeen saacadihii lasoo dhaafay, kuwaas oo Shabaab looga dilay in ka badan 60 dagaalame, sida ay sheegeen saraakiishu.

Ragga lagu dilay howlgalladaas oo saf-balaaran ku socday waxaa ka mid ah Kabtan Iley oo ahaa gacan-yarihii guddoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan gobolka Shabeellada Dhexe Yuusuf Kabakutukade.

Sidoo kale waxaa lagu dhaawacay sarkaal lagu magacaabo Daahir Calasow oo caan ka ah gobollada Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe, kaas oo aad u dhibay dadka, sida ay sheegeen saraakiishu.

Saraakiishaan ayaa 7-cisho u qabtay Kabakutukade iyo rag kale oo ay magacyadooda shaaciyeen, kuwaas oo ka dagaalamaya aagga degmada Ceeldheere.

“Kabakutukade, Cali Maqane, Subkane, Sheekh Cali Garweyne, Birjebshe, dhamaantiin waan idin naqaan isisoo dhiiba, waxaad heysataan 7 cisho, wixii ka dambeeya is dhiibid idinka yeeli meyno halkaan idinku aragno ayaan idinku dileynaa,” ayuu yiri Dhamme Maxamed Qeyla-weyne.

Hoos ka daawo