Waa kuma Janaral Xamdan: Hoggaamiyaha xoogaagga Dacmu Sariic ee SUDAN?

Khartoum (Caasimada Online) – Loolan dhanka awooda ah oo u dhaxeeya ciidamada Sudan Xooggaga Dacmu Sariic ayaa gilgilay dalkaasi, iyadoo lagu soo waramayo inay ku dhinteen in ka badan 50 qof oo rayid ah.

Xooggaga Dacmu Sariic waxa ay si toos ah uga amar qaataan hogaamiye ku-xigeenka golaha, Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo, halka milateriga uu u taliyo Jeneraal Cabdifitaax al-Burhan oo ah madaxa golaha talada haya.

Labada janan ayaa wixii ka dambeeyay afgembigii dhacay October 2021 waxa ay Sudan ku xukumayeen gole ka kooban taliska milateriga.

Heshiis ku aaddan in xukunka lagu celiyo dowlad rayid ah ayaa socon waayay kadib markii ay labada janan isku khilaafeen qaabka ciidamada gurmadka degdega ah loogu biirinayo milateriga Sudan.

Ciidanka gaarka ah ayaa doonaya in ku biiridda ay dhacdo 10 sano kadib, hase yeeshee milateriga ayaa doonaya in hawsha lagu soo gebagabeeyo laba sano gudahood.

Beesha caalamka ayaa muddo waday dedaal lagu dejinayo xiisadda ka taagan Sudan iyo sidii xukunka loogu dhiibi lahaa xukuumad rayid ah.

Haddaba maxaan ka naqaanaa Janaraal Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo oo hoggaaminaya xoogaga ciidamada gurmadka degdega ah ee loo yaqaan RSF?

Waa kuma Jeneraal Maxamed Xamdan?

Waxa uu ka soo jeedaa gobolka fog ee ku yaal Galbeedka dalka Sudan, halkaas oo siyaasadda, ganacsiga, iyo colaadduba ay isku dhafan yihiin.

Ninkan oo hormuud u ah siyaasadda dalka Sudan, ayaa horay uga ganacsan jiray geela, kaas oo dagaal u arka fursad uu noqon karo nin hodan ah oo awood badan.

Maxamed Xamdan Dagolo, oo loo yaqaan “Hemeti”, waa ninka labaad ee maanta ugu sarreeya militariga haya talada dalka Sudan.

Balse dhab ahaantii, Hemeti, oo yaraantiisii Iskuulka ka saaqiday ayaa haatan loo arkaa ninka ka dambeeyey rasaasta ka dhacaysa Khartoum.

Dagaal oogahaan ka soo jeeda gobolka Darfur ayaa xukuma kumanaan ciidan ah oo ka mushaar badan kana qalab wanaagsan ciidamada caadiga ah ee Sudan.

Waxa uuna haystaa lacago fara badan oo uu ku maalgaliyo maleeshiyaadkaas – waxa uu leeyahay goobo laga qodo dahabka oo ku yaal buuraha macdanta hodanka ku ah ee Sudan, waxa uuna ku tiirsan yahay saaxiibbo uu ku leeyahay Sacuudi Carabiya iyo xulufo kale oo Khaliijka ku sugan.

Jidka uu Hemeti xukunka ka soo fuulay ayaa soo bilowday sannadkii 2003-dii, kaddib markii qabaailka Afrikaanka ah ee madoow ee ku dhaqan gobolka Galbeed ee Darfur ay hubka qaateen oo ay xukuumadda ka soo horjeesteen.

Sidee ayuu jagadan ku gaaray?

Ciidmada Sudan ayaa halgan u galay sidii ay uga hortagi lahaayeen dagaalkooda ku salaysan ku dhufo oo ka dhaqaaqda, waxa ayna bilaabeen in ay qortaan maleeshiyo Carab ah oo loo yaqaan “Janjaweed” – oo macnaheedu yahay “Jinkii hubka qaatay ee fardaha saarnaa”.

Waagaas, Hemeti waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah oo 20 jir ah.

Waxa uu sannadkii 1975 ka dhashay Qabiilka Carabta ah ee geelleeyda ah ee Mahamid, waxa uu Iskuulka hoose dhexe ka saaqiday markii uu 16 sano jiray, si uu geela ugu kala dhoofiyo Darfu iyo Chad oo loo sii dhoofin jiray Libya iyo Masar.

Hameti adeerkiis Juma Dagolo, waa hoggaamiyaha qabaa’ilka Carabta ah ee ku teedsan xuduudda u dhexaysa Chad iyo Sudan.

Sannadihii u horreeyey ee khilaafka, Hemeti waxa uu waaardiye ka ahaa kolonyada ganacsiga ee Darfur, halkaas oo uu xoogaa hanti ah ka helay.

Hoggaamiyahaas dhalinyarada ah waxa uu gacan ka agaystay dar dargalinta dagaalyahannada Janjaweed.

Dadka ku xeeldheer arrimaha dalka Sudan ayaa madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Omar al-Bashir, oo dalkaas 30 sano xukumeyey ku eedeeyey in uu taageeri jiray maleeshiyaadkaas.

Omar El-Tayeb Ahmed oo ah khabiir ka tirsan BBC Arabic ayaa qaba,”in dadka aqoonyahanka ah ee reer Sudan ay Hemeti u arkaan musiibo uu abuuray Al Bashir,”

ISHA: BBC