Dagaalka ka socda SUDAN oo xoogeystay + Khasaaraha

Khartoum (Caasimada Online) – Iska hor imaad ba’an ayaa laga soo sheegayaa guud ahaan dalka Suudaan, iyadoo dagaalka dhaxeeya kooxaha hubeysan ee iska soo horjeeda uu sii fidayo.

Rabshadaha u dhexeeya ciidanka iyo koox dabley ah oo lagu magacaabo Ciidanka Taageerada Degdegga ah ee loo yaqaan RSF ayaa socda ilaa habeenimadii xalay kaas oo galay maalintii saddexaad.

Ku dhawaad ​​100 qof ayaa la dilay, sida ay sheegeen ururka dhakhaatiirta, waxaana sidoo kale la qiyaasayaa in tirada dhaawaca ay gaareyso 1,100 qof.

Labada dhinac ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan goobo muhiim ah oo ku yaalla caasimadda Khartoum, halkaas oo ay dadku ka gabbadeen qaraxyada iyo hubka cul- culus ay adeegsanayaan dhincyada isku haya awoodda Suudan.

Gelinkii hore ee Axadii shalay ahayd ayaa waxay sameeyeen xabad joojin ku meel gaar ah si dhaawacyada la daadgureeyo, inkastoo aysan cadeyn sida ay u adeeceen xabad joojintaas.

Dhakhaatiirta ayaa ka digay in xaalada isbitaalada magaalada Khartoum ay tahay mid aad u adag, isla markaana dagaalku uu yahay mid joojinaya shaqaalihii iyo agabkii caafimaadkaba in la gaarsiiyo dadka dhaawaca ah.

Dagaalka ayaa bilowday xilli aan laga fileyn oo dadka ay si caadi ah u wataan halw-maalmeedkooda.

Dhanka kale, beesha caalamka ayaa muddo waday dedaal lagu dejinayo xiisadda ka taagan Sudan iyo sidii xukunka loogu dhiibi lahaa xukuumad rayid ah.

Maraykanka iyo Britain ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin dagaalka ka socda Khartuum, loona baahan yahay in xaaladda la dejiyo.

Isha: BBC