DF Soomaaliya oo digniin u dirtay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa digniin horleh u dirtay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimada dalka Suudaan ee Khartuum, oo uu ka billowday dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo kuwa RSF.

Wasaaradda ayaa waxay fartay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Khartuum iyo guud ahaan dalkaasi inay taxadar iyo feejignaan dheeraad ah muujiyaan, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah XFS.

“Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka ayaa ku wargalisay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Suudaan in ay raacaan dhammaan tilmaamaha ka soo baxa safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Suudaan.”

Wasaaradda ayaa sidoo kale waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Sudan ku sugan ku adkeysay inay xiriir joogto la sameeyaan wasaaradda iyo safaaradda, hadii ay caawinaad uga baahdaan.

Ugu dambeyntiina waxay wasaaraddu soo jeedisay inay iska diiwaan-galiyaan mareegta (website-ka) wasaaradda, si loo caawiyo muwaadiniintaasi.

Dagaalka ka socda magaalada Khartuum ee caasimada Suudaan ayaa galay maalintii labaad, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay ugu yaraan 56 qof, iyada oo ku dhaawacmeen in ka badan 170 kale.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku biirtay dhinacyada ka walaacsan xaaladda kasoo cusboonaatay dalkaas, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka, kadibna wax kasta lagu dhameeyo wada-hadal.

Horay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku muujisay, sida ay uga walaacsan tahay isku-dhacyada hubaysan ee u dhexeeya ciidamada iyo xoogagga birmadka deg-degga ee dalka Suudaan.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh dirirta in ay si deg deg ah u joojiyaan colaadda, isla markaana ay is xakameeyaan, ayna guda-galaan wadahadal lagu xalinayo khilaafka, si loo dhowro amniga iyo xasiloonida siyaasadeed,” ayaa lagu yiri bayaanka ay wasaaradda ka soo saartay rabshadaha ka soo cusboonaaday Suudaan.

Dhanka kale, wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in weli xaaladda ay kacsan tahay, waxaana saaka jugta madaafiic culus laga maqlay Omdurman oo kaabiga ku haysa caasimada Khartoum iyo Bahri oo iyadana ku dhow. Goob joogayaal ayaa sidoo kale sheegay in rasaas ay ka dhacaysay magaalada Port Sudan ee ku taalla dhanka badda cas.

Wararka ayaa sidoo kalena intaasi kusii daraya in dagaallada ay kusii fideen qeybo kale oo dalka ka mid ah oo uu ku jiro gobolka Daafuur, halkaas oo ay ka jirto xaalad aanan deganayn.

Si kastaba, dagaalkan ayaa billowday xilli aan la fileyn, islamarkaana dadka ay si caadi ah u wataan hawl-maalmeedkooda.