Chelsea oo Janaayo dalab u direysa Alessandro Matri.

Chelsea ayaa lasoo werinayaa inay ku dhow dahay inay Janaayo dalab u dirto weeraryahanka kooxda Juventus Alessandro Matri, sida uu qoray wargeyska kasoo baxa dalka Talyaaniga ee TuttoMercato.

Roberto Di Matteo ayaa isha la raacaayey 28 jirkaan heerka caalami ee dalka Talyaaniga wuxuuna doonayaa inuu isaga dhiso dhanka weerarka taasoo kali u ah Fernando Torres.

Wargeyska ayaa rumeysan in kooxda ka dhisan Galbeedka London ay xidigaan ku dalban doonto aduun dhan 8 milyan oo euro, weeraryahankii hore ee Cagliari ayaa sanadii lasoo dhaafay ku dhameystay ninka ugu goolasha badan kooxdiisa.

Juventus ayaanse inta badan sanadkaan isticmaalin Matri, iyadoo booska weerarka looga door bidaayey midkood Fabio Quagliarella ama Mirko Vucinic, taas ayaana kusii riixeysa inuu ka dhaqaaqoTurin, xilli ay horay u baacsaneysay AC Milan.

 

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.