China oo diiday go’aankii golaha ammaanka ee Somalia, soona jeediyey qorshe cusub

New York (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa ka hor-timid go’aankii uu Golaha Ammaanka QM Isniintii mar kale ku cusbooneysiiyey cunaqabtayenta hubka ee saaran Soomaaliya.

Shiinaha ayaa dalbaday in cunaqabateynta oo jirsatay ku dhowaad 30 sano laga dhigo mid shuruudo ku xiran oo Soomaaliya lagu qiimeeyo sida ay uga soo baxdo, balse aysan noqon mid iska socota oo sanad kasta la cusbooneysiiso.

Shiinaha ayaa ka baaqsaday codeyntii Isniinta, waxaana wakiilka Beijing ee QM uu sheegay in Golaha Ammaanka uu ku guul-darreystay “inuu garowsado horumarka Soomaaliya ee ku wajahan dib u dhiska iyo la-wareegista amniga dalka.”

Wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya QM, Abuukar Daahir Cusmaan ayaa sheegay in la dejiyo qaab-dhismeed ka gudbis ah oo ay Soomaaliya ku dhaqmi doonto, si uu ugu hago inay kasoo baxdo shuruudo looga qaado cunaqabateynta hubka, halkii lagu kordhin lahaa ayada oo aan su’aalo la weydiin.

Shiinaha ayaa dhanka kale su’aal ka keenay la-dagaalanka burcad badeedda Soomaaliya, ayada oo Beijing ay sheegtay in dalalka qaar ay la-dagaalanka burcad badeedda u adeegsanayaan dano ganacsi. 

Wakiilka Shiinaha ayaa sheegay in badda Soomaaliya ay buuxaan ciidamo si aad ah u hubeysan “oo sheegtay inay ilaalinayaan maraakiibka, hase yeeshee halis ku ah nolosha kalluumeysatada Soomaaliyeed.” 

Russia ayaa sidoo kale ka baaqsatay codeynta, ayada oo su’aal ka keentay sababta loogu daray dalalka Jabuuti iyo Eritrea, ayada oo xustay in labada dal “aysan hadda kadib halis ku aheyn nabadda caalamka.”