Maxaa musharaxiinta ku qasbaya u diyaar garowga dagaal iyo badbaado qaran 2?

Muqdisho ( Caasimada Online) – Xubnaha Midowga Musharixiinta ee mucaaradka ah ayaa waxaa u socda doodo ku saabsan inay abuuraan mowjad cusub oo dalka gelin karta xaalad ka duwan tii Badbaado Qaran oo ay abaabuleen horaantii sanadkaan, kadib markii lagu guul-dareystay in doorasho la qabto, mudo kororsina qarka loo fuulay.

Mucaaradka ayaa hubka qaatay markii madaxweyne Farmaajo sameystay muddo kororsi laba sano ah, laakiin ugu dambeyn waxaa lagu qanciyey in maamulka doorashada lagu wareejiyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isla markaana ay deg deg u dhici doonto doorashada.

Banaan-baxyadii bilowday wixii ka dambeeyey 8-dii February iyo dagaaladii ka dhacay caasimadda waa suurta-gelin waayey in deg deg doorasho ku dhacdo, wuxuuna Farmaajo qaatay 10 bilood oo muddo korosi ah, isagoo huba inay bilo kale u harsan yihiin, maadaama doorshadu aysan dardar ku socan.

Kulamo ayaa maalmahaan u socday xubnaha mucaaradka oo qaar ay dalka ka maqan yihiin. Xubnaha qaar ayaa miiska keenay in la dhiso Gole Qaran oo ku meel gaar ah oo dalka ka gudbiya xilligaan adag.

Golahaas wuxuu yeelanayaa awood fulineed iyo ciidan, taas oo ka dhigan in mucaaradku ay mar kale rabaan inay soo celiyaan qorshahoodii Badbaado Qaran oo ay hubka qaataan.

Ciidankii u dagaalamay qorshihii Badbaado Qaran bishii April waxay weli joogaan daafadaha magaalada Muqdisho, waana mid fudud in magaalada lagu soo celiyo mar kale.

Mid kamid ah xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka ah oo aan arrintaas wax ka waydiinay waxa uu sheegay in aysan macquul aheyn inay marti kasii ahaadaan masiirka dalka, haddii dadka awoodda heysta aysan rabin inay doorasho qabtaan.

Wuxuu sheegay in haddii ay isku raacaan in golahaas la dhiso aysan dhici doonin wixii dhacay bilihii April illaa May oo aheyd in si fudud loogu qanciyey inay ciidanka magaalada ka saaraan. Wuxuuna qabaa inay markaan khasab tahay in dowladnimada laga badbaadiyo dad uu sheegay inay dowladnimadii ka shaqeysiin waayeen, hadalkaas waxaa loo fasiran karaa in markaan awood ahaan lagu kala bixi doono.

Mucaaradka waxay sheegayaan inay si weyn uga niyad jabsan yihiin Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ay u shooda u dhiibteen markii uu dhammaday dagaalkii Badbaado Qaran.

Inta ka dhiman sanadkaan haddii uusan dalku helin nidaam dowladeed, mucaaradku waxay sheegeen inay go’aankooda ku dhawaaqi doonaan.

Xubnaha Mucaaradka ayaa qorsheenaya inay dhawaan kulan weyn ku yeeshaan magaalada Muqdisho, welina dhexdooda iskuma raacin go’aankaas, laakiin shirweynaha ay Muqdisho ku yeelanayaan ayaa lagu gorfeyn doonaa gunaanadka mowduucaan.

Maxaa go’aanka ku qasbaya mucaraadka

Xubnaha mucaaradka ee kasoo jeeda magaalada Muqdisho iyo gobollada dariska la ah, waxaa laga qaatay maamul goboleedyadii ay kasoo jeedeen, waxayna aamisan yihiin in Farmaajo halkaas kaga xoog batay, labadii maamul oo ay isku haleenayeen ee Puntland iyo Jubbbaland iyaga ayaa keensaday musharax, guddiyadii doorashada saameyn kuma lahan, xubno badan oo taabacsanaana waa loo soo diiday kursigooda xildhibaanimo, qaarna hadda ayey ka waanka saaran yihiin.

Ra’isul Wasaare Rooble oo ay isna isku haleenayeen wuxuu u muuqdaa inuu danihiisa raacday. Arrimahaas is biirsaday waxay mucaaradkii ku rideen niyad jab.

Iyadoo mucaaradka taas ka gadoodsan yihiin, ayaa haddana dhinaca kale doorashadii la dhaqaajin waayey. Hadda waxaa hor taalla oo doodoodu tahay inay gacantooda sharciga iyo dowladimada ku doonaan.

Qaarkood waxay qabaan inuu dalka u baahan yahay in la badbaadiyo. Qorshaha xubnaha mucaaradka qaar ee lagu soo celinayo qorshihii Badbaado Qaran ayaa halis ku noqon kara dowladnimada Soomaaliya iyo xasiloonida dalka. Laakiin dhinacyada doorashada gacanta ku haya ma muuqato inay mudnaan siinayaan mucaaradka iyo dedejinta doorashada.

Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug, madaxweyne Farmaajo in doorashada deg degto wax dano ah ugama jirto, waxaana u cad inuu iska sii joogo Villa Somalia, halka Deni iyo Axmed Madoobe ay danahooda gaarka ah kaga tashanayaan Garowe.

Lama yaqaan sida qorshahaan ka socdo dhinaca mucaaradka uu u saameyn doono Golaha Wada-tashiga Qaran ee mas’uulka ka ah doorashada dalka, kaas oo ka kooban R/Wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada.