Christian Chivu: Juventus waan kula dagaalameynaa Serie A.

Daafaca kooxda Inter Milann Christian Chivu ayaa aaminsan inay kooxdiisu Juventus kula tartami karto Horyaalka Serie A bisha May.

Daafaca halbowlaha dhexe ee qaranka Romania ayaa daaha ka qaaday inay ciyaartoyda Nerazzurri kooxda Antonio Conte kula dagaalamayaan horyaalka, inkastoo uu afartii bilood ee dambeysay garoomada dhaawac kaga maqnaa.

“Afartii bilood ee lasoo dhaafay waxay ahaayeen kuwo adag,” ayuu u sheegay Inter Channel. “Laakiin taageerada aan ka helay asxaabteyda kooxada ayaa I saaciday sida aan filaayo.

“Ma jiro xad loo yeelo meel ay ciyaartoydu aadi karaan. Sida muuqata waan ku dagaalami karnaa Scudetto.

“Hadii ay Juventus ku jirto Champions League markaas anaguna aan ka maqanahay waxaan ka heli doonaa fursad.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jaangoan@yahoo.com

Caasimada – Mogadishu.