AC Milan oo Janaayo hami uga jiro saxiixa Daniele De Rossi.

Daniele De Rossi ayaa Janaayo ka dhaqaaqi kara kooxda AS Rome, iyadoo AC Milan ay ka fikireyso inay lasoo wareegto xidiga heerka caalami ee dalka Italy, sida ay qortay shabakada Goal.com.

Silvio Berlusconi ayaa waayadaan dambe ahaa mid ku mashquulsan inuu dib u habeyn ku sameeyo siyaasada Milan ee suuqa kala iibsiga isagoo lasoo saxiixanaya ciyaaryahano da’yar ah, waxay isha ku heysaa kooxdiisa De Rossi inay ka dhigaan magaca ugu weyn ee ay deyrta suuqa kasoo gataan.

29-jirkaan ayaa Rome u saxiixay shan sano oo qandaraas ah bishii Febraayo 2012, laakiin Giallorossi ayaa daaha ka qaaday inay iska iibinayaan hadii ay ku helaan qiimaha saxda ah.

Milan ayaa horaan xidigaan doonatay inay qandaraas la gasho, laakiin kooxda San Siro si fudud kuma heli doonto. Iyadoo laga yaabo inay dalab 15 milyan oo euro ah u diraan.

Dhanka kale, Milan waxay dooneysaa weeraryahanka Manchester City Mario Balotelli, intaas waxaa sii dheer inay isha ku heyso Kevin Strootman, Angelo Ogbonna iyo Marco Verratti oo waayo badan lala xiriirinaayey.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jaangoan@yahoo.com

Caasimada – Mogadishu.