PSG oo xaqiijisay inay dooneyso Ronaldo iyo Mourinho.

Sheikh Bin Abdulrahman Al-Thani ayaa daaha ka qaaday inay Paris Saint-Germain xiiseyneyso inay Real Madrid kasoo dhaqaajiso Cristiano Ronaldo iyo Jose Mourinho

Madaxweynaha PSG Nasser Al-Khelaifi ayaa horaan gaashaanka ku dhuftay inay kooxda Ligue 1 xiiso u qabto saxiixa macalinka Madrid iyo ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal, laakiin hada ayuu qiray inay kooxda Parisians jeceshahay saxiixa labada nin, si ay u gaaraan ujeedkooda ah inay ku guuleystaan Champions League.

“Cristiano Ronaldo iyo Jose Mourinho waa hadafka Paris Saint-Germain, dabcan,” ayuu Al-Thani u sheegay Canal Football.

“PSG waa koox ka mid ah kooxaha ugu wanaagsan caalamka. Hadafkeenu waa inaan maalin, ku guuleysanaa Champions League.

“Horaan waxaan aheyn koox ka mid ah kooxaha ugu fiican France, hadafkeenu waa inaan noqonaa koox ka mid ah kooxaha ugu wanaagsan Yuru iyo Caalamka, sidoo kale.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jaangoan@yahoo.com

Caasimada – Mogadishu.