Ahlu-Sunna oo laashay heshiiskii ugu weynaa oo ay la gashay Dowladda

Ururka Ahlusuna ayaa ka soo horjeestay in la mideeyo Ciidamadooda iyo Kuwa dowlada Soomaaliya ee ku sii fidaya gobolada dalka Soomaaliya, oo marki hore ayaga un sidaas go’aan ku gaaray.

Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax oo ah gudoomiyaha guuud ee Ahlusuna oo shirjaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxaa uu si kulul u cambaareeyay sida ay ku dhisan tahay xukuumada Soomaaliya oo dhaliil badan ay ka qabaan Ahlusuna hadii ay yihiin.

Hadii wax badan laga badali waayo Xukuumada hada jirta ayuu yiri in wixii dhaco iyaga ay keeneen,waxaana uu Madaxwaynaha Soomaaliya ka codsaday in  dib loogu noqdo dhismaha xukuumada oo Ahlusuna aysan wax ku lahayn.

Dhinaca kale waxaa uu gaashaanka ku dhuftay in la midaynayo Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Ahlusuna oo sida uu sheegay Wasiirka Arimaha gudaha ay socdaan qorshaheeda.

Wuxuu sheegay in qorshahaas Ahlusuna ahaan aysan aqbali doonin ilaa iyo waanag badan ay dowlada ka dhex abuuto Ahlusuna.

Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax  ayaa ugu dambayn waxaa uu ku hanjabay in Dowlada ay afar jeer ay kala hadleen dhismaha xukuumada iyo  wax loo qoondeeyo Ahlusuna balse marka Shanaad ay talaabo qaadi doonaan.