28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Cida ka danbeysa dagaallada ka socda Beledweyn oo la shaaciyay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday in Dagaalada ka socda qeybo kamid ah magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ay ka danbeeyaan Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Somalia iyo kuwa Gobolka Hiiraan.

Maamulka ayaa sheegay inay hayaan macluumaad xaqiijinaaya in Xildhibaano ka tirsan BFS ay ku lug leeyihiin Dagaalada socda.

Guddoomiye ku-xigeenka Arumah Bulshada ee Mamulka Gobolka Hiiraan, Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa waxa laga xumaado waxa uu ku sheegay in Dagaalka maalmihii ugu dambeeyay ka socda Galbeedka Magaalada Baladweyne ay ka macaashayaan mas’uuliyiin aan laga fileynin taasina ay muujineyso mas’uul dari.

Waxa uu sheegay in dagaalka ay ka danbeeyaan Mas’uuliyiin ka kala tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaasi oo uu sheegay in hal hal ay u garanayaan isla markaana ay u gudbin doonaan Dowlada Somalia.

Guddoomiyaha ayaa arrinkaasi ku dhaliilay Saraakiisha Ciidamada Dowladda, AMISOM iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka in indhaha ay ka qabsadeen qaboojinta xiisada ka taagan Magaaladaasi.

Dhanka kale, waxa uu Dowlada ka dalbaday in Maxkamda ay soo taagaan Mas’uuliyiin uu sheegay in ay ka dambeeyaan Dagaalka khasaaraha kala duwan geystay ee maalintii 4-aad ka socda Xaafada howlwadaag ee Galbeedka Magaalada Baladweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News