29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Sawiro: Buhari oo la kulmay gabar iyo canug ay ka dhaleen B/Haram

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Nigeria, Muhammadu Buhari, ayaa la kulmay gabadhii da’da yareyd ee lagu magacaabayay Amina Ali Nkeki ee laga soo badbaadiyay maleeshiyaadka Boko Haram.

Amina Ali Nkeki iyo gabdho kale oo tiradooda lagu sheegay 218, ayaa bishii April ee sanadkii 2014-ka laga afduubtay dugsi ku yaalla Magaalada Chibok.

Amina Ali Nkeki oo wadata canug yar ayaa laga soo badbaadiyay maleeshiyada Boko Haram, waxa uuna madaxweynuhu soo dhaweeyay dadaalka suuragaliyay in Amina Ali Nkeki lasoo badbaadiyo inkastoo uu sheegay inay wadato canug aad u yar oo ay ka dhaleen Boko Haram.

Amina Ali Nkeki oo 19 jir ayaa waxa uu Madaxweyne Muhammadu Buhari u ballanqaaday in fursad uu usiin doono inay sii wadato waxbarashadeeda fasalka afaraad ee Dugsiga Sare.

Muhammadu Buhari, waxa uu rajo ka muujiyay in ciidamada amaanka uu ka filaayo inay soo badbaadiyaan hablaha kale ee wali ku jira gacanta Boko Haram.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
Buhari1
Buhari2
Buhari3
Buhari4
Buhari5
Buhari6
Buhari7
Amina Ali Darsha Nkeki looks on while visiting President Muhammadu Buhari in Abuja
Buhari9

- Advertisement -

Read more

Local News