29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Rasaas xoogan oo laga maqlayo qeybo ka mid ah BELEDWEYNE

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta maamulka Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in halkaasi maalintii Afaraad laga maqlaayo rasaas goos goos ah oo ay is weydaarsanayaan maleeshiyaadkii halkaasi ku dagaalamaayay.

Rasaasta goos gooska ah ayaa waxaa laga maqlayaa qeybo kamid ah xaafadda Howlwadaag.

Dadka ku sugan xaafada Howlwadaag, ayaa sheegaya in rasaasta ay bilaaben kooxo kamid ah labada maleeshiyo kuwaasi oo wali ku sugan qeybo kamid ah Xaafadda Howlwadaag.

Dadka xaafadaasi ku dhaqan ayaa soo sheegaya in laga cabsi qabo in markale uu Dagaal ka dhaco Magaaladaasi.

Maleeshiyaadkani walaalaha ah ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku dirirsanaa Xaafada howlwadaag ee Galbeedka Magaalada Baladweyne.

Ma jirto wax waan waan ah oo laga dhex wado dhinacyada uu dagaalka u dhexeeyo kadib markii Odayaasha ay ku guul dareysteen qaboojinta dagaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News