25.4 C
Mogadishu
Monday, January 12, 2026

Xasan Sheekh oo rajo been ah galiyay reer Muqdisho kadib…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in Dowlada Somalia ay la imaan doonto mudada u harsan tanaasul, waxa uuna sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay midnimo.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in wakhtiga adag ee lagu jiro looga gudbikaro wadashaqeyn iyo midnimo waxa uuna dhankiisa ka ballanqaaday inuu sameyn doono talaabo waliba oo ay ku qancikaraan shacabkiisa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu la wadaagi doono dareenka iyo tabashada ay mujinayaan dadka saluugsan heshiiska laakiin uu sheegay in la diiwaan galiyay waxyaabaha ay ka tabanayaan dadkaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay hore ay uso gaaren go’aano qaraar oo aad u adag laakiin waxa uu ku taliyay in la dar dar galiyo wax qabadka la iskuna dalqaato sida uu sheegay Madaxweynaha.

Haddalka Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa imaanaya iyadoo maalmahaani magaalada Muqdisho laga dareemaayo Siyaasado kacsan oo la xiriira dib ula soo laabashada maqaamka Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada @ liv.com

- Advertisement -

Read more

Local News