25.7 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Xasan oo hadal jees jees ah ku weeraray shacabka Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si dadban weerar afka ah ugu qaaday shacabka Muqdisho ee u doodaya inay helaan xuquuqda matalaad ee aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya loo dhisayo.

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa dadka Muqdisho oo gacan ka helaya xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya waxa ay ku cadaadinayeen dowladda federaalka inay gobolka Banaadir xubno laga siiyo aqalka sare.

Si kastaba, Xasan Sheekh ayaa doonaya in shacabka Muqdisho ay tanaasul sameeyaan, kana tagaan xaqooda.

Hadal qoraal ah oo uu soo saaray, una muuqda mid ku socda shacabka Muqdisho ayuu Xasan si jees jees ah ugu yiri ““Waxaan khasab ah in Soomaalida ay ka xorroobaan fikirka ku saleysan isku tanaasul la’aanta, kaas oo dhalinaya is aamin la’aan dhexdeena ah. Waa inaan ka shaqeynaa sidii aan mashaakilaadkeena xal caadil ah ugu heli lahayn’’.

Waxaa la yaab leh cidda tanaasulka laga rabo ma shacabka xuquuqdooda u doodayaa mise dadka diidan in gobolka Banaadir uu la mid noqdo gobollada Soomaaliya, oo uu helo xubno u matala aqalka sare ee baarlamanka la dhisayo?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News