32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Puntland oo in gobolka Banaadir xubno la siiyo uga digtay BFS

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka digay in gobolka Banaadir xubno laga siiyo aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya, ayada oo dood arrintaas ku saabsan ay ka socoto magaalada Muqdisho.

Golaha wasiirada Puntland ayaa kulan ay shalay ku yeesheen Garoowe ku sheegay in haddii wax laga beddelo heshiiskii horey loo gaaray ay Puntland heshiiska ka bixi doonto.

Waxay sheegeen in Baarlamanka Soomaaliya uusan awood u lahayn wax ka badal uu ku sameeyo hishiisyadii lawada galay.

Waxaa yaab leh, oo aan la garan karin, dhibka Puntland ay ku qabto in dadka gobolka Banaadir ay metelaad ku yeesheen aqalka sare, si la mid ah sida dadka Puntland iyo gobollada kale ee Soomaaliya.

Waa astaan kale oo muujineysa in dhibka Soomaaliya ka taagaan iyo dowladnimo la’aanta 25 jirsatay inay hooyo iyo aabe u tahay Puntland.

yaaabka

- Advertisement -

Read more

Local News