28.6 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

DF Soomaaliya oo soo saartay digniin culus oo ku socota…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Dowladda Somalia ayaa digniin culus kasoo saartay isticmaalka Badda Somalia, waxa ayna digniintaasi ku soctaa dadka isticmaala Doonyaha iyo Maraakiibta ee ku sugan xeebaha dalka.

Digniintaani ayaa la sheegay inay ka bilaabaneyso manta oo Jimca ah waxa ayna Dowladu sheegtay in Badda Somalia ay ku jirto xili qatar ah.

Nuur Faarax Xirsi oo ah Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in lagu jiro xliga bad xiranka ah waxa uuna sheegay in wasaaradu ay digniintaasi u direyso Doonyaha kaluumeysiga, Maraakiibta iyo dadka ku dabaasha Xeebaha dalka.

Nuur Faarax Xirsi waxa uu sheegay in laguda galay Bad xiran sidaas darteedna Kalluumeysatada iyo Maraakiibta looga baahan yahay in ay ka taxadiraan dabeylaha Badda ku dhufan kara.

Badda Somalia ayaa waxaa ku tiirsan nolosha Boqolaal qoys oo iyagu ka kaluumeysta Badda wallow xilligan oo kale laguda galo waqtiga Bad xiranka, taasoo Qatar ku keeni karta Doonyaha yar yar ee ka kalluumeysta Badda.

Dhawaan ayey aheyd markii Badda Somalia ay ku dhufteen dabeylo kiciyay hirar xoogan oo banaanka sare usoo saaray Biyaha iyo kaluunka badda ku jira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada @ liv.com

- Advertisement -

Read more

Local News