Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa walaac gaar ah ka muujiyay loolanka maamulka Puntland kula jirto Dowlada Somalia.
Xassan waxa uu sheegay in Dowlada Somalia ay mas’uul ka tahay qaabka Somalia lagu gaarsiin lahaa horumar, Amni iyo Siyaasad wanaag.
Xassan waxa uu tilmaamay inay jiraan tallaabooyin ay qaadan maamulada dalka oo xiliyada qaar sababa in Somalia ay ka gaabiso horusocodkii ay tiigsan laheyd.
Maamulka Puntland ayuu ku amaanay qaadista talaabooyinka horusocodka Siyaasada, Amniga iyo Maamul wanaaga, isaga oo sidoo kale ku dhaliilay in xiliyada qaar ay horboodeyso DFS.
”Puntland wey ku amaanan tahay waxqabadkeeda. waxa ay leedahay amaan iyo dhaliil taasi oo sababta in xiliyada qaar ay Puntland magac usoo hoyiso Somalia, marna uu ka dhaco khaladaad yar yar”
”Puntland dhaliisheeda ma badna balse waxaan filayaa in wakhtiyada qaar ay ku degdegto ka hor imaanshiyaha qorshooyinka hormarineed ee Somalia, taasi waxa ay dib u gurasho galineysaa in Adduun uu naga fahmo inaanu nahay dal aan laheyn sharciyo kala danbeyn leh”
Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in wanaaga Somalia uu ku jiro in sirta iyo qorshaha Dowlada aan la horgeyn Beesha Caalamka, waxa uuna ku taliyay in mar waliba DF loo soo gudbiyo wixii laga tabanaayo.
”Is fahanka waxa uu ku jiraan Soomaalida dhexdeeda waxaad arkeysaa in xiliyada qaar howlihii Dowlada laga hordhacaayo, taasi ma filaayo in hormar ay gaarsiin doonto Somalia”
Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Puntland iyo Maamulada kale ee Dalka ayuu ugu baaqay in waxyaabaha ay ku dhaliilayaan Dowlada ay usoo gudbiyaan si aan Khilaafyada iyo Is fahan’waaga ka dhex jira Dowlada iyo maamulada uga faa’iideysan waxa uu ugu yeeray saaxiibada Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

