Ciidamada Abiy Ahmed oo magaalo kale oo muhiim ah ka qabsaday Tigray-ga

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xukuumadda ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta sheegtay inay qabsatay magaalo kale oo ku taala waqooyiga gobolka Tigray, kadib ku dhowaad laba toddobaad oo dagaal uu ka socday gobolkaasi.

War kasoo baxay dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladdu ay magaalada Alamata ka xoreeyen kooxda Tigrayga, xili uu dhawaan sidan oo kale uu Abiy Axmed u shaaciyey magaalo ay sheegen inay ka qabsadeen TPLF.

Abiy Ahmed ayaa dhamaadka toddobaadkii hore sidan oo kale u sheegay in ciidamada dowladda ay qabsadeen galbeedka gobolka Tigray, iyaga oo ka adkaaday ciidamada deegaanka, oo uu ku eedeeyey xasuuq.

“Galbeedka gobolka Tigray waa la xoreeyey. Ciidamada dowladda waxay hadda kaalmo iyo adeeg bani’aadannimo siinayaan shacabka, wayna quudinayaan,” ayuu Abiy ku yiri qoraal uu xiligaasi soo dhigay twitter-ka.

Inta badan ma jirto faah-faahin ay dowladda federaalka Itoobiya ka soo saarto guulaha ay ka sheegato dagaalka kala dhaxeeya maamulka maylka adag ee gobolka Tigrayga.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay hogaamiyaasha Tigray oo ku aadan sheegashada xukuumada Abiy iyo dhacdooyinka ka dhacay Alamata, oo u dhaw xadka gobolka Amxaarada, oo qiyaastii 120-km (u jirta caasimada gobolka Tigray ee Mekelle.

Dagaalka Itoobiya ayaa waxa uu galaaftay nolosha boqolaal ruux, iyada oo ugu yaraan 20,000 oo qaxooti ah ay uga qaxeen dalka Suudaan, iyada oo maamulka Tigray (TPLF) uu ku eedeyay in dagaalkaasi ay qeyb ka tahay Ereteriya, taasi oo taageereysa ciidamada federaalka.

Hogaamiyaha kooxda TPLF, Debretsion Gebremichael ayaa ku booriyay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika inay cambaareeyaan falalka ciidamada federalka Itoobiya, isagoo ku eedeeyay inay adeegsadeen hub casri ah oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drones-ka, kuwaasi oo uu sheegay inay ku bur-buriyeen biyo-xireen iyo warshad sokorta.

“Abiy Axmed wuxuu dagaalkan ku qaadayaa shacabka Tigrayga, isagana masuul ka ah ujeeda ujeedada laga leeyahay ee ah dhibaatada dadka ee shacabka iyo burburka mashaariicda waaweyn ee kaabayaasha dhaqaalaha” ayuu yiri

Waxa uu intaas kusii daray “Annagu ma nihin kuwii bilaabay khilaafkan waxaana muuqata in Abiy Axmed uu dagaalkan u qaaday isku day uu ku xoojinayo awoodiisa shaqsiyadeed, wana ka digeyna in Itoobiya ay noqoto dal fashilmay oo kala qeybsan”.

Si kastaba, dagaalka xukuumada Abiy Axmed iyo maamulka Tigrayga ayaa kasii daraya, xili ay socdaan dadaalo lagu rabo in labada dhinac la iskugu keeno miiska wada-hadalka, si xal waara looga gaaro xiisada dagaal ee ka dhex aloosan.