KISMAAYO oo heegan buuxa ku jirta

Magaalda Kismaayo ee xaruta maamulka Gobalka Jubbada Hoose, ayaa waxaa maanta guud ahaan la adkeeyay ammaanka Magaalada waxaana la arkayay ciidamo badan oo Booliis ah oo magaalada lagu soo daadiyay.

Ciidamada Booliiska iyo nabad Sugida Kismaayo ayaa saakay waxa ay bilaabeen heegan socon doono mudo 48-saacadood iyado guud ahaan la sugi doono amaanka magaalada.

Sida ay xaqiijiyeen laamaha Amaanka Kismaayo ayaa waxa ay sheegeen in Feejignaan ay ku jiri doonaan ciidamada maanka iyga oo laga doonayo in ay guud ahaan ay sugaan amaanka guud ee magaalada.

Dhanka kale sababaha keentay in la sugo amaanka Kismaayo ayaa waxa ay ka danbeysay ka dib markii la sheegay in maalinta Birito ah magaalada lagu qaban doono xaflad lagu dhaarinaayo xubnaha Wasiirada maamulka Juba .

Guud ahaan baabuurta magaalada soo galeyso iyo kuwa ka baxaayo ayaa la baarayaa si aysan u dhicin qaraxyo iyo dilal inta ay socoto xaflada lagu dhaarinaayo Wasiirda maamulka Juba.