Ban Ki-Moon oo tacsiyeeyey Somalida

Xoghayaha guud ee QM Ban ki Moon ayaa waxa uu dhambaal tacsi ah u diray dhamaan dadka Somaliyeed isaga oo kaga tacsiyeeyay geeridii ku timid gabar Soomaaliyeed oo ku geeriyootay qarax ka dhacay Afghanistan .

Maalintii shalay eheyd qarax ka dhacay magaalada Kabul ee dalkaas ayaa waxaa dadkii ku dhintay ka mid eheyd gabar soomaliyeed oo lagu magacaabo Basra Faarax Xasan o shaqaalo u eheyd hey’ada Unicef.

Ban ki Moon ayaa sheegay in isaga oo ku hadlaayo magaca QM uu tacsi gaar ah u diraayo dadka Somaliyeed isaga oo kaga tacsiyeenayo dhimashada Basra Faarax Xasan oo qaraxa ku geeriyootay.

Xoghaya QM ayaa sheegay in gabartaas ay ku geeriyootay qarax ay fuliyeen kooxaha Argagixisada ee jooga dalka Afghanistan sidaas darteed iyaga ay ka tacsiyeenayaan.

Basra Faarax Xasan ayaa waxa la sheegay in ay eheyd Gabar Soomaaliyeed oo dalka Mareykanka wax ku baratay isla markaana qaadaay dhalshada dalkaas.