SUUREYSO GALABKAN: Muslimow bal in-yar fikir oo ogow waxa dhici kara

Galabkan, Sabti 16ka bisha Rabiicul- Awal sanadka 1435 hijriga, oo ku beeggan 18.1.2014, tiknoloojigu wuxuu ku socdaa si xowli ah.

Dunida waxay sii galaysaa waayo cusub iyo casri aan lasuureysan karin. Mufakiriinta iyo Mu’allifiintii South Korea iyo Japan har iyo habeen ma seexdaan, oo waxay raadinayaa fikrado cusub iyo aalada dunida ay kusoo kordhiyaan.

Qorshaha dhaw iyo midka fogba illaa hadda waxaa loo diyaariyey fikrada bislaaday oo la rajaynaya in aalada cusub iyo tiknoloojiya casri ah lagu soo saaro.

Inta ay maskaxda mu’allifiinta suureysatay ee qorshaha 2020ka iyo wixii ka dambeeya, baaba marka aad maqasho aad yaabi doontaa.

Tiknoloojiyadii casriga qaabkaas bay kusocotaa.

Dhanka kalena fisqigii wuu batay, waddamada galbeedka guurkii waala iska nacay, sinnadii baa bannaanaha taal. Dabar go’ bulsheed inay umadahaasi ku socota, waxaa xataa ka qaylinaya aqoonyahannadoodii, oo sii suureynaya sanadyada dhaw in caalamkoodu ay ku badan doonaan amaba ay hoggaanka u qaban doonaan umadda Islaamka ah, oo iyagu aad u tafiirmaya. Tanina waxay caddeyneysaa qowlka Allaah kor ahaaye ee ahaa

هُوَ الَّذِي أَرْسَلَ رَسُولَهُ بِالْهُدَىٰ وَدِينِ الْحَقِّ لِيُظْهِرَهُ عَلَى الدِّينِ كُلِّهِ وَلَوْ كَرِهَ الْمُشْرِكُونَ

Dhinaca kalena, dagaalkii Suuriya meel aad u foolxun buu cirbaha lasii galayaa, kacdoonnadii carbeed ee la billawdayna kol hore ayaa laga faraxashay, laakiin kan Suuriya calaamad su’aal baa saaran.

Harajkii wuu batay (dil aanan la aqoon kan la dilay sababta loo dilay, kan wax dilayna uusan aqoon sababta uu u dilay). Caddaalad darradii caalamka ayay hu’ u noqotay, dunida Islamkuna waa qasan tahay. Ummaddu waxay ku jirtaa saxwo, ama baraarug. Sanadkan 2014 ee miillaadiga sanadyadii kahorreeyay ee lamidka ahaa wuu ka duwan yahay. Umaddu way fahamtay inaanu koodii ahayn, waxayna ku oranayaan annagu sanadkeennii wuxuu dhashay saddex bilood ka hor.

Waxaa is dhinac socda dhibaatooyinka caddaalad darrada iyo dilalka, nabaadguurka, dagaallada iyo dhanka kale saxwada baraarugga Islaamka.

Reer galbeedku waxay sheegayaan in xaddaaraddoodu ay dumi doonto goor aan fogeyn.

Amuurtaas markaad kasoo tegto, bal suureyso, galabkan isaga ah oo la joogo xilligii Mahdiga la sugayay, oo uu kasoo baxa magaalada Makka Al Mukarramah, uuna yiraahda, waxaan ahay Mahdigii la sugaayay, magacayguna waa Maxammed bin Cabdillaahi Al Haashimi Al Xasani?

Qolo waxay tiri waa yahay, waanay la mubaayacootay, qolona waxay tiri maahan. Al Jaziira iyo Al Carabiya ayaa doodo laba dhinac qabanaysa oo lagu doodaya waa yahay iyo maahan.

Xaaladda oo sidaas ah baad maqlaysaa Dajjaal baa bariga Asfahaan kasoo baxay. Waalagu kala aragti duwanayaa. Durba intii Bush iyo wixii lamida u dhega nugleyd, ma adkaan doonto inay u dhega nuglaadaan Dajjaal oo ay ciidamadiisa kamid noqdaan ayna isku dayaan inay af iyo addinba ku difaacaan.

Illeen awalba dadka way qeybsanaayeene markaasina waala kala qeybsami doonaa. Qaar baa isku dayi doono inay waxyaabaha dhacaya ka indha saabtaan, oo ay ismoogsiiyaan, si ay howlahooda ganacsiga iyo wixii lamida uga hallaawin (Halkuu ganacsi yaalli doonnaa waa yaabe?).

Bal suureysa xaaladdaasi oo aadan maanta u haysanin wax sahay ah oo aad kaga badbaadda u dhega nuglaasha Dajjaal ee maalintaas? Haddaad raacdid wuxuu kugu tuuri doona meel doog ah oo aad ku guban doonta, kolbana ma noqon doontid mid ku liibaano raaciddiisa oo faa’iida ay u noqoto.

Waa gallad Eebbe haddii aad hesho inaad ka badbaaddo raaciddiisa, oo aad noqoto kuwa khilaafa asaga oo mucaaradkiisa iyo cadawgiisa la safto. Waana daraja aanan la wada heli doonin.

Haddaad jeceshahay kuwaasi inaad kamid noqoto, waa inaad haggaajisa camalkaada, aadna badisaa ducooyinka iyo Allaah bariga, dhagaysiga Quraanka, aadna Rabbiga u noqoto.

Nolashanu maahan middii xaqiiqda ahayd, ee waa buundadii looga gudbayay tan runta ah ee labada daarood. Ayadoo casri gabo gabo ah lajoogo, yaanay kusirin dunidan madaxa kusocoto, ee ayadaba kuu sheegeysa inay meeshii u dambeysay soo taabatay.

Waqtigaadu ayadooba uu yaryahay oo Malakulmowt uu waaga kuu tirinaya, haddana waxaanan fogeyn dhiciddaa Qiyaamaha iyo maalinta maxkamadda ee Rabbi hortiisa.

Ha noqon nacas ee ka kac buundada, oo soco tani (adduunyada) waa buundadii lagu gudbayay. Camalka suubso aad Rabbigeen Caziiz hortiisa ku liibaantidee.

Waxaa qoray: Maxamed Daahir